Maxaa hor taagan in Taliban ay hesho ictiraaf caalami ah?

talibaan

Muddo bil ah ayaa laga joogaa markii ay Taliban qabsadeen caasimadda Afghanistan ee Kabul, haddana waxay leeyihiin dowlad ku meel gaar ah oo ka shaqeyneysa dalkaas.

Hoggaamiyeyaasha Taliban ayaa isu arka in ay yihiin madaxda sharciga ah ee dalkaas – inkastoo ay xukunka ku qabsadeen si xoog ah. Waxa ayna doonayaan in caalamka uu aqoonsado.

Awoodaha dibadda mid walba si iskiis ah ayuu uga fikirayaa arrintaas iyo sida xaaladda loo maareyn karo.

Isbuucan, dhowr iyo labaatan diblomaasi oo horay uga shaqeyn jiray Afghanistan ayaa soo saraay bayaan ay dalalka adduunka uga codsanayaan in aysan ictiraaf siinnin Taliban.

Iyagoo sidaas sameynaya ayay qoreen warqad ay ku dhaheen “haddii la aqoonsado waxaa la sharciyeynayaa xukunkooda qallafsan.”

Dalka Mareykanka, qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ayaa ugu baaqay maamulka Biden in uu Taliban u aqoonsado urur argagixiso ah, iyagoo warqad ay Arbacadii u direen wasiirka arrimaha dibadda, Antony Blinken, ku sheegay in nooca dowladda Taliban ee hadda jirta ay khatar weyn ku talay Mareykanka.”

Inkastoo Taliban uu argagixiso caalami ah u aqoonsaday maamulkii George W. Bush sanadkii 2002-dii, hadda kuma jiraan liiska ururrada argagixisada ajaanibta ah ee Mareykanka. Laakiin waxaa u diiwaan gashan in ay yihiin koox maleyshiyo hubeysan ah.

Dhanka kale, Taliban laftooda waxay si iskood ah u wadaan dadaal ay ku raadinayaan in la aqoonsado. Waxay la kulmeen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo ay ka codsadeen in la qaado dhammaan cunaqabateynnada saaran hantidooda.

Ilaa hadda, Washington kuma dagdageyso in ay aqoonsato maamulka Taliban.

Sidoo kale Ruushka ayaa sheegay in mowduuca ku saabsan ictiraafka Taliban uusan mid wali laga wada hadlay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sargey Lavrov, oo ku hadal jeediyay xilli uu ku sugnaa xarunta Qaramafda Midoobay ee magaalada New York ayaa yiri: “Su’aasha ku saabsan aqoonsiga caalamiga ah ee Taliban waqti xaadirkan miiska masaarna.”

Hadalka Lavrov ayaa yimid waxyar kaddib markii Taliban ay diblomaasiyiin u xusheen inay u matalaan Qaramada Midoobay.

Maxaa adkeynaya in la aqoonsado dowladda ay dhiseen Taliban?

Sababta ugu wayn waxay dadka falanqeeya arrimaha diblomaasiyadda ku qeexeen cabsi laga qabo in ay u fududaato abuurista kooxo argagixiso ah iyo in ay khatar la fahmi waayo noqdaan.

Hase ahaatee qaar ka mid ah awoodaha gobolka waxay si deg deg ah u sameynayaan ciimeynta dhinaca khatarta ee ka imaan karta aqoonsiga Taliban iyo danaha ugu jiri kara haddii ay tallaabadaas qaadaan.

Dalalka dadajinaya ka fiirsashada waxaa ka mid ah Ruushka iyo Iiraan, kuwaasoo ilaa hadda safaaradahooda ay ka furan yihiin Kabul.

Sidoo kale Oakistan ayaa muddo dheer xiriir dhow la lahayd Taliban, halka Shiinaha uu il gaar ah u hayo xaaladdan.

Taariikhdu way isasoo celisaa

Ma aha markii ugu horreysay ee dalalka caalamku ay ka fikiraan in ay go’aan ka qaataan aqoonsiga ama aqoonsi la’aanta Taliban.

Sanadkii 1996-kii, qaab aan wax badan ka duwaneyn sida ay hadda arrimuhu yihiin, ayay kooxda Taliban gacanta ugu dhigeen magaalada Kabul, waxayna waddanka Afghanistan ku qabsadeen si xoog ah.

Laakiin waqtigaas waxaa jiray ilo dhaqaale oo ay Afghanistan leedahay balse aan ku jirin gacanta Taliban, xoogag iskacaabbin ahna waxay ka dagaallamayeen dhinaca waqooyiga.

Madaxweynihii hore, Burhanuddin Rabbani, ayaa sidoo kale sii waday inuu Afghanistan ku matalo Qaramada Midoobay.

saddex dal oo kaliya ayaa Taliban aqoonsaday 1990-meeyadii, kuwaasoo kala ahaa Pakistan, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here