Maxaa ka jira in Covid-19 uu saameeyo ragannimada?

dhalmada

Haatan labo sano ayaa laga joogaa tan iyo markii fayraska Covid laga helay dunida mar dambena lagu dhawaaqay inuu yahay xanuun safmar ah, balse haatan unbaa laga war helay saameynta uu ku leeyahay dhalmada ragga.

Inkastoo ay jiraan dadka qaar oo aan tallaalneyn sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan in tallaalka Covid-19 uu yareyn doono amaba dhalmada ka joojin doono, ayaa haddana baaritaan dhowaan la sameeyay lagu ogaaday in ragga uu ku dhaco corona ay la soo deristo dhalmo yaraan.

Daraasadda oo lagu sameeyay 120 nin oo u dhashay Biljamka isla markaana muddo ka yar bil kahor uu ku dhacay fayraska Covid, ayaa lagu ogaaday in 60% ka mid ah uu xanuunku saameeyay hab tarankooda.

Bilihii ugu horreeyay ee uu xanuunku ku dhacay, ayaa ragga ay dhalmo yaraanta soo wajahday waxay gaareen 37% halka wixii intaas ka dambeeyayna ay noqdeen 28%.

Daraasadda ayaa sidoo kale lagu ogaaday in tayada biyaha ragga uu ku dhacay Covid ay yaraatay.

Markii la tijaabiyay waxyeellada Covid ee bil kaddib, ayaa waxaa 37% hoos u dhacday tayada biyaha ragga ee daraasadda ka qeyb qaatay.

Daraasadda ayaa lagu ogaaday in 29% ragga ay dhalmo yaraantu la soo deristay hal ilaa labo bilood kaddib markii uu xanuunku ku dhacay.

Waxaa daraasaddan lagu daabacay joornaalka arrimaha dhalmada ka hadla ee Maternity and Fertility Issues.

Inkastoo laga yaabo in heer-kulka jirka ee ka dhashay fayraska uu sababo inay hoos u dhacdo tayada biyaha ragga, haddana baarayaasha ayaa sheegaya in tan aysan marla noqon karin sababta.

Baarayaasha ayaa sheegay in dhibaatadan laga bogsan karo ayna xaaladda caadi ku soo noqoto saddex bilood kaddib.

Si kastaba, baaritaan dheeraad ah ayaa la sameeyay si loo xaqiijiyo arrintan go’aanna looga gaaro in waxyeelladu tahay mid raagta iyo in kale.

Bishii May ee sanadkii la soo dhaafay, daraasad laga sameeyay xiriirka ka dhaxeeya Covid iyo dhalmada ragga ayaa lagu daabacay wargeyska Asian Journal of Andrology.

Daraasadda, oo ay ka qeyb qaateen 41 nin ah oo ka badbaaday Covid, ayaa sidoo kale lagu ogaaday in uu fayrasku saameeyo taranka.

Waxaa daraasadda la sameeyay 56 maalmood kaddib markii raggaas laga saaray isbitaalka oo ay la jiifeen coronavirus.

Daraasadahan ayaa lagu ogaaday in saameyntan ay aad u korortay markii labaad ee la tijaabiyay raggaas 29 maalmood kaddib.

Taranka ragga

Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, waxyaabaha inta badan sababa dhalma la’aanta ragga ayaa waxaa ka mid ah xanuunno iyo tayo la’aanta manida.

Sida lagu xusay maqaal bishii January ee sanadkii hore lagu daabacay wargeyska arrimaha caafimaadka ka faallooda ee The Lancet, taranka ragga ayaa 50% qeyb ka ah lammaanaha ay la soo deristo xaaladda dhalmo la’aanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here