Maxaa ka khaldanaa jawaabtii Somaliland ka bixisay hadalkii C/Raxmaan Guulwade

0
astaanta somaliland

Ka dib markii uu Jeneraal Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu difaacay diyaaradihii Dawladdii Kacaanku ku duqeysay dadka shacabka ah Somaliland, VILLA SOMALIA waxay ugu falcelisay si deg deg ah, iyadoo iska fogeysay hadalkiisii, islamarkaana waxay sheegtay in Reer Somaliland ay dhiig badan u soo daadiyeen halgankii xornimadda Soomaaliya, midowgiina aanu khasab ku imaan, ugu dambeyntiina xilkii uu hayey ayaa laga cayriyey, taasoo keenaysa in C/R Guulwade ay siyaasada Soomaaliya uga dhamaato.

SIDEE UGU FIICNAYD IN SOMALILAND UGA JAWAABTO?

Waxaa fiicnaan lahayd in arintan ay Somaliland siyaabo kala duwan oo siyaasi ah uga faaiideysato, iyadoo xooga saaraysa hadalkii iyo talaabooyinkii ay Madaxtooyada Somalia qaaday, tusaale ahaan in Madaxtooyada Somaliland soo saarto qoraal ka kooban 3 xidhmo koob kooban.

Xidhmadda Kowaad waxay ahayd in Somaliland ku muujiso sida ay uga xun tahay in Siyaasadda Soomaaliya ay weli ku sii jiraan Guulwade iyo shaqsiyaad la feker ah, iyadoo aan la eedeyn Madaxweynaha Somaliya.

Xidhmada labaad waxay ahayd in Somaliland kaga hadasho talaabooyinkii Villa Somalia CR Guulwade ka qaaday, iyadoo ay ku fiicnayd in la soo dhoweeyo oo lagu tilmaamo talaabo xaga wanaaga loo qaaday.

Xidhmadda Sadexaad waxay ahayd in Somaliland ku muujiso wanaaga iyo siday dhinaceeda diyaar ugu tahay.

Jawaabaha noocan oo kale ahi waxay Somaliland u soo hoyn lahaayeen guulo siyaasadeed iyo kalsoonida dadka Soomaaliyeed, waxayna u muujin lahayd in caqliga Faysal Cali Waraabe ee Cayda u badani aanu metelin, sidoo kale waxay fududeynayaan isu soo dhowaanshaha iyo wadahalka loo baahan yahay, waana fursad qaaliya.

SIDEE SOMALILAND UGA JAWAABTAY ARINTA GUULWADE?

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa arintan uga hadlay si u muuqatay Gole-ka-fuul ku salaysan hadalkii suuqa iyo baraha bulshada, wuxuu weeraray Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu soo hadal qaaday dhibaatada shacabka Soomaaliyeed haysata oo aan loo baahnay in meesha la soo dhigo maadaama dad badani digasho u qaadanayaan, dhibta dadka Soomaaliyeed haysta reer Somaliland waa ka xun yihiin, mana ay cawryin, lugna kuma laha ee waxaa saameeyey talo iyo hogaan xumaddii markii hore Somaliland lagu duqaynayey, waana u duceeyaan.

SIDEE SIYAASIYIINTA SOOMAALIYA U ARKEEN JAWAABTII SOMALILAND?

Siyaasiyiin badan Soomaaliyeed ayaa markay daawadeen hadalkii Wasiir Koore dib u qoomameeyey talaabooyinkii ay Madaxtooyadda Soomaaliya kula kacday CABDIRAXMAAN GUULWADE.

Inkastoo ay Reer Somaliland labo sano iyo dheeraad ay ku jireen xukunka adag ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, haddana waxaa muuqata in waxyaabihii xukuumadihii hore laga dhaxlay ay weli sii socdaan sida Masuul markii saxaafadu u timaado wuxuu doono ka hadla, MARKA WASIIR UU MADAXWEYNE FARMAAJO EEDAYNAYO WAA INUU OGOLAANSO KA HAYSTAA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI SABABTOO AH XIRIIRKA LABADA DHINAC WAA ARIN SAAMEYN GUUD KU LEH SOMALILAND OO AY WAAJIB TAHAY IN MADAXWEYNUHU GO’AAMIYO SIDUU NOQONAYO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here