Maxaa ka soo baxay kulankii Masuuliyiinta Hawiye?

masuuliyiinta hawiye

Kulan afur ah oo ay xalay fiidkii ay magaalada Muqdisho ku yeesheen masuuliyiinta Beelaha Hawiye oo uu Hogaaminayey, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, ayaa la iskula gartay in dhinacyadu ay ka wada shaqeeyaan ammaanka magaalada iyo doorashadaba.

Kulankan wuxuu imanaya xilli maalmihii u dambeeyey uu Ammaanka Magaalada Muqdisho uu sii xumaanayey, kadib markii maleeshiyo beeleedyo qabiilaysan lagu soo ururiyey Caasimada, kuwaas oo xirtay Wadooyin iyo xaafadu, islamarkaana uu RaiisulWasaare Rooble ku guuldareystay inuu maareeyo ama ka hortago amaandarada.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in ujeedada kulanka uu ahaa in qof walba oo mas’uul ah uu doorkiisa ka qaato dhaqdhaqaaqayada dhanka xal raadinta.

“Waxaa laga wadahadlayay sidii la isugu boorin lahaa in dhammaan dadka ka qyab galay shirka ay ka wada qayb qaataan, qof kastaana doorka uga aaddan uu ka gaysto, sidii magaalada Muqdisho amnigeeda loo dajin lahaa loogana qayb qaadan lahaa in dib loo saxo wixii khaladaad ah ee dhacay,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta, Al-Cadaala.

Sidoo kale, waxay masuuliyiintii kulantay ka wada hadleen sidii looga shaqeyn lahaa arrimaha doorashooyinka, oo wax walba oo la xiriira ka hadalka doorashooyinka lagu saleeynayo, heshiiskii 17-kii September.

Xubnaha Mucaaradka ee Shirkaan ka qayb galay waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wajadir Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo sidoo kale xubno kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here