Maxaa kala qabsaday gabadh wariye ah oo aan xijaabnayn iyo hoggaamiye Taliban ah?

0
Shazia Haya

“Ma ahi dilaa, laakiin markii la i kaa barayay ayaa laguu sheegay inaan dilaa ahay. Ma doonayo inaan ka hadlo siyaasad, laakiin aan wakhti idin raadiyo dhamaantiin, aan wada shaahno waxaana idinkaga sheekaynayaa gabayada,” ayuu yiri isaga oo si tartiib ah u hadlaya oo dhoola cadeynaya.

Tani ma ahayn wax aan ka filayay in aan ka maqlo xubin muhiim ah oo ka tirsan ururka Taliban.

Waan raadiyay si aan wareysi uga qaado malintii ugu dambeysay ee shirkii taariikhiga ahaa ee ka dhacay caasimada Qadar ee Dooxa, kaas oo u dhaxeeyay Taliban iyo dowladda Afqanistaan.

Waxaan ku sii jeeday garoonka, waxaana arkay qaar ka mid ah ergada Taliban oo ay hareeraha ka taagan yihiin saxafiyiin.

Waxay arrintaas ii ahayd fursaddii ugu dambeysay ee aan xog iyo sheeko fiican uga heli karay taas oo i dhiiragelisay.

Balse Dooxa ugama safrin si uu gabay uga hadlo, anigana la mid ayaan ahaa.

‘Ma doonayo inaan hadlo’

Shazia Haya

Shazia Haya oo hadlaysa, gadaalna ay ak muuqdaan ergada Taliban
Qoraalka sawirka,Shazia Haya oo hadlaysa, gadaalna ay ak muuqdaan ergada Taliban

In laga warramo shir ay albaabada u xiran yihiin, mar walba waa caqabad, sidoo kale xaaladda kuma bilaaban yadadiilo wanaagsan.

Intaan boorsada dhulka dhigtay ayaa dhankiisa aaday si aan ula yeesho wareysi aan la isu diyaarin.

“Ma doonayo inaan hadlo,” ayuu si degdeg ku jiro u yidhi hogaamiyaha Taliban- ma uusan filayn aniga oo ku soo dhawaaday iyo Kaamiradii aan gacanta ku sitay.

Waxaan ogaaday in uu ciriiri dareemayo, dib ayaanna uga sikaday.

Waan salaamay aniga oo dhoolla cadeynaya waxaana u sheegay in nin aan wada shaqeyno uu yahay qofka wareysan doono anigana Kaamirada uun u hayn doono.

Baaxadda ay leedahay shaqadii aan u tagay Dooxa ayaa noqtay mid muuqata.

Ima uusna eegaynin

Shazia oo ka soo waramaysa goobta uu shirka ka dhacayo
Qoraalka sawirka,Shazia oo ka soo waramaysa goobta uu shirka ka dhacayo

Ma doonayo inaan si gaar ah uga hadlo hogaamiye ka caga jiidaya wareysiga, balse intii aan ku guda jiray wareysigii aan la yeeshay xubnaha ergada Taliban iyo wakiiladooda, waxa aan dareemay in wajigeyga marna aysan eegin, waxayna u muuqatay in aysan ku faraxsanayn in dumar ay goobta joogaan marka ay nin la hadlayaan.

Waxay rumaysan yihiin in qof dumar ah oo aadan garanayn in aad eegtid in ay tahay xushmad daro iyo dembi.

Waxaan wareysi saddex daqiiqo gaaraya ka qaaday mid ka mid ah hogaamiyayaasha sare ee Taliban; intaan wareysiga ku jirnay hal marna ima uusan eegin.

Waxaan aaminsanahay in haddii uu hogaamiyahaasi uu barito i arko in uusan xusuusanayn in mar uu wareysi i siiyay.

Balse arrimahaas aan kor ku soo xusnay igama yaabin, sababtoo ah, koox dhuumasho ku jirtay oo muddo sannado ah dagaal ku jirtay, in aan hor istaago oo su’aalo ay ka jawaabaan ma ahayn wax lagu fikirayay bilo ka hor.

Sidaasi daraadeed waxaan xitaa isu diyaariyay dhacdooyiin kale oo lama filaan ah.

Dhacdo tariikhi ah

Shazia Haye oo wareysi ka qaadaysa Abdullah Abdullah, madaxa ergada dowladda
Qoraalka sawirka,Shazia Haye oo wareysi ka qaadaysa Abdullah Abdullah, madaxa ergada dowladda

Ka dib muddo bilo ah oo ay diidanaayeen, haddana markii ay hogaanka Taliban iyo dowladda ay ku heshiiyeen taariikha iyo goobta lagu qabanayo shirkoodii ugu horeeyay oo fool ka fool ah, waxaan dareemay in ay muhiim ii tahay in si la mid ah saxafiyiinta kale ee reer Afqanistaan, inaan soo tabiyo wararka arrintan la xiriira.

Ka dib tobannaan sano oo dagaal iyo colaad ah oo dhiig badan uu ku daatay, labada dhinac waxay ugu dambeyntii ku heshiiyeen in ay isku deyaan wadaxaajood lagu soo afjarayo dagaalka.

Arrin taariikhi ah ayaa ka dhacaysa horteyda oo aan indhaheyga ku arkayaa.

Waxaan goobjoog u ahaa isbadallo badan oo dhacay tan iyo 2002-dii, markii dhinacyada ka soo horjeeda Talban ay soo ifbaxeen ayna bilaabeen dagaalka ka dhanka ah mintidiinta.

18 sano ka dib oo dhinacyadan ay cadaawadda ka dhaxeysay, waxay hadda yeelaneysaa weji wadahadalo iyo dib u heshiisiin.

Labiska la xiranayo?

Tan iyo markii ay diyaarad aan la socday ka soo kacday magaalada Kabul oo aan u soo duulnay Dooxa, waxaan ka fikirayay dhammaan dhinacyo ay ka mid tahay xuquuqda haweenka, dastuurka, xorriyadda iyo ajandeyaasha dhinac kasta ah.

Intii aan qorshaynayay tabinta arrimahan ee aan ka fikirayay wareysiyada iyo su’aalaha, waxaan sidoo kale jiray wax kale oo maskaxda aan ku hayay.

“Sideen u lebistaan?” su’aashaas ayaan is waydiinayay.

Shazia Haye oo wareysi ka qaadaysa Abdullah Abdullah, madaxa ergada dowladda
Qoraalka sawirka,Shazia Haye oo wareysi ka qaadaysa Abdullah Abdullah, madaxa ergada dowladda

Su’aashan ma ahayn mid muhiim ah, waxaana xitaa laga yaabaa in aysan ku haboonayn in ragga aan wada shaqeyno is waydiiyaan.

Balse ka saxafi dumar ahaan iyo anigoo og xeerarka adag ee Taliban, ee ku aadan xorriyada dumarka iyo xuquuqda haweenka, waa in aan ka fikiraa dharka aan xiranayo iyada oo ay jirto in tin illaa cirib aan is daboolayo.

Waxaan halkan u imid si aan wareysi uga qaado hoggaanka sare ee Taliban iyo in aan helo shaqsiyaadkaas, waxay qeyb ka ahaayeen shaqadii saddex malmood ahayd ee la ii igmaday.

18 sano ka hor ma awoodin in waddooyiinka aan ku maro dharka aan u xirtay shirkii aan ka qeybgalay.

Xilligaasi kooxda Taliban waxay dhaqangeliyeen xeer adag oo ah dhar xirashada gaar ahaan xijaab qarinaya madaxa ilaa lugaha, waxaana la ciqaabayay qof walba oo aan ilaalin ama u hoggaansamin amarkaas.

Waxaan is weydiiyay ‘isbedal intee la eg ayaa ku dhacay, sidey se ii qaabili doonaan hadda?’

‘Qaladaad way dhacaan’

Markii aan jiray 4 sano, ayaan mar raacay eedadey oo xijaab xirnayd.

Markii aan gaarnay goobtii aan u soconay waxay iska bixisay niqaabkii ay xirnay iyada oo feeday wajigeeda, ka dibna nin Taliban ka tirsan ayaa ku dhuftay ul, aniga oo arkaya “qari wajigaaga,” ayuu ku ku yiri.

Shazia Haya oo wareysi ak qaaday mid ka mid ah maxaabiista Taliban ee la soo daayay
Qoraalka sawirka,Shazia Haya oo wareysi ak qaaday mid ka mid ah maxaabiista Taliban ee la soo daayay

Waa ficilladaas oo kale waxaan goob joogga u ahaa markii aan carruurta ahaa, mana hilmaamayo maalintaasi oo xitaa markaan guriga soo gaarnay waxaan eegayay daaqadda, aniga oo hooyo waydiinaya, “mana daba socdaa? Ma noo imaanayaa?”

Shirka Dooxa, markii aan la hadlayay mid ka mid ah wakiillada Taliban, waxaan la wadaagay xusuustan, waxaana weydiiyay sida uu dareemayo.

“Qaladaad ayaa horey u dhacay mar dambe na laguma noqon doono,” ayuu ku jawaabay

Mid ka mid ah tallaabooyiinka ugu muhiimsan waxay ahaayeen in haweenka ay hadda meelo badan ka muuqdaan.

Ugu yaraan boqolkiiba 25%, kuraasta baarlamaanka, waa in ay haweenka noqdaan, waxayna dumarka ka muuqdaan warbaahinta, waxaana jira saraakiil dumar ah oo da’a yar ah.

Iskuulada iyo dalka Afqaanistaan

Waxyaabaha aad dareemi karto oo aad ogaan karto waxaa ka mid ah inay sii kordhayso tirada gabdhaha iyo haweenka iskuullada dhiganaya.

Qoyskeyga ayaa muddo dhowr bilood ah ku noolaa dalka Pakistan, waxaana so laabanay markii ay Mareykanka ku soo duuleen Afqanistan ee la dhisay dowladii kumeelgaarka ahayd.

Waxaan xusuustaa in aan arkayay xayiisiimo ku dhagan magaalada Kabul oo ku saabsan waxbarshada, waxaana ku dheganaa sawiro wiilal iyo gabdho faraxsan waxaana ku qoranaa “aan waxbarano”.

Walaashey iga wayn, waxay Taliban u diideen in ay iskuulka dhigato, balse waxaan aabe ka codsaday in aniga aan iskuulka aadi karo.

Waxaa dalka Afqanistaan hadda iskuulada dhigta ku dhawaad 10 milyan oo arday, waxaana jira illaa 36 iskuul oo ay gabdhaha gaar u ah.

‘Hadii aad gaartaan heshiis nabadeed, oo na u safartaan Kabul, ma u maleynaysaa in tan ay mar kale dhaceyso?’ waxaan su’aashan waydiiyay Suahil Shaheen oo ah afhayeen xafiiska siyaasadda ee Taliban ee ku yaalla Qadar.

“Haa dabcan waad sameyn kartaa, balse waa in aad xirataa xijaabka Muslimiinta,” ayuu ku jawaabay isaga dhoola cadeynaya.

Xorriyadda

Goobta hoteelka waxaan ku arkayay xubnaha Talibaan oo aan dan ka lahayn dumarka ajaaniibta ah ee goobta ku sugnaa iyagoo aan xiran dhar kala duwan ama xijaab, waxaana la yaabay in kooxda ay aqbali lahaayeen in dumarka Afqanistaan ay u noolaadaan qaabka ay doonaan.

Xuquuda dumarka iyo xorriyada waa qodobbada ugu adag ee labada dhinac ay ka wadaxaajoonayaan.

Shazia Haya oo sawir ka qaadaysa ergada Taliban e shirka Doxa
Qoraalka sawirka,Shazia Haya oo sawir ka qaadaysa ergada Taliban e shirka Doxa

Shan ka mid ah xubnaha wadahadalada u matalaya dowladda waa haween, waxayna wadaxajood kula jiraan ergo dhammaantood ka kooban rag oo ku adkeysanaya in dumarka lagula dhaqmo sharciga Islamka.

Xubin kale oo ka mid ah ergada Taliban ayaan waydiiyay fikirka uu dumarka ka aaminsan yahay iyo sababta aysan dhinac Taliban wadahadalada ugu soo darin dumar.

“Dumar wax ayaan barnay; waxay ka shaqeynayaan gidaarka dhiniciisa dambe, haddana lama joogo wakhtigii ay halkan imaan lahaayeen,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here