Maxaa kalifay in Somaliland la qaxdo Barokacayaal Kismaayo isugu tegay

0
maxamed cilmi haraagii

Agaasime hore Maxamed Cilmi waa nin Somaliland ah oo aad u aaminsan gooni-isutaaga Somaliland, uma sameysna dadka eedaha iyo dembiyada jecel, ka qaybgalkiisa Caleema Saarka Axmed Madoobe ma ahayn rabitaankiisii ee wuxuu ahaa rabitaankii iyo jacaylkii Beesha Dhexe (Burco, Berbera iyo Hargeysa) iyo Goleyaasha ay ku badan yihiin.

Arintan oo xoog h argeysa looga abaabulay, ergada baxaysay waxaa ka hadlay Faysal Cali Waraabe, Xubno ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida, dhamaantoodna hadalkoodu wuxuu u dhacayey, Soomaali xoog leh ayaa sameysmeysee aan isku diro, taasoo umadda Soomaaliyeed oo dhami ay saxaafada ka maqlayeen.

Maxamed Cilmi oo Nairoobi ku sugnaa wuxuu xooga saaray martiqaadka ergadda Somaliland, waxaa lagaga baxay balantii iyo ergadii la balantay, wuxuu ka qayb galay Caleemasaarkii, waxaana la fariisiyey qaybta martida heerka sare ah, wuxuuna hayaa shaqadii masuuliyiin badan oo Somaliland ka mid ahi ku hadaaqayeen.

Shalay wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii lagu martiqaaday duleedka Kismaayo, wuxuu la qadeeyey madaxweyneyaashii hore, Madaxdii hore ee Maamul-Goblleedyada iyo siyaasiyiin kale, waxay si weyn ugu qosleen kaftankiisii, waxaana niyadooda ku jirtay sababta uu ula joogo, balse waxay doonayeen inay Beesha Caalamka u tusaan in Soomaaliya intii badnayd ay Madaxweyne Farmaajo ka soo horjeedo.

Maxamed Cilmi wuxuu ku maqan yahay dan guud iyo shaqo Qaran, balse waxaa ilaahay ku qarxiyey wixii niyadiisa ku jiray oo aan hor ilaahay ka ahayn, waxaana haboon in loo arko MUJAAAHID xirfadii ka xumaatay, islamarkaana aan barbar dhigin xubnaha Muqdisho u taga ka soo horjeedka Goonni-isutaaga Somaliland

Ugu dambeyn xukuumada iyo goleyaasha Somaliland waxaa ku waajib ah inay ka hortagaan siyaasadaha iyo taageerada aan waxba soo kordhinayn ee Bulshadda Somaliland kala qaybinaysa, mana fiicna in degaamada Somaliland qaarna ay Axmed Madoobe taageeraan, qaarka kalena madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here