Maxaa Kenya ku khasbay inay codsato dib u dhigista dacwadda muranka badda ee Soomaaliya?

uhuru kenyatta2

Dowladda Kenya ayaa dalbatay in dib loogu dhigo dacwadda la xiriirta muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ee horyaalla maxkamadda ICj, sida uu qoray wargeyska Daily Nation, ee kasoo baxa Waddankaas.

Kenya ayaa arrintan u sababeysay in ay u baahantahay sidii fursad loogu siin lahaa inay qorato qareenno dheeraad ah oo difaaca.

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa shaacisay in dhageysiga kiiskan uu billaaban doono 9-ka bishan Sitembar oo ku aaddan Isniinta soo socota.

Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika oo shir ku yeeshay Addis Ababa, ayay Kenya ka sheegtay inay dooneyso in dacwadda ku saabsan Badda ay isku hayaan Soomaaliya, ee ay sheeganeyso lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno xooggan oo difaaca.

War saxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayey ku sheegtay inay ku gacan seyrtay dalabka Kenya ee muddo kordhinta ah.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Khayr ayaa kulanka guddiga amniga ee Midowga Afrika ka sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay in dacwaddan lagu dhammeeyo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ay hor taallo.

“Kenya inay tiraahdo dacwaddii aan wadnay waxaan dooneynaa in dib loo dhigo oo ay ka codsato maxkamadda waxay ka dhigantahay inay dooneyso in qaabab kale wax lagu xalliyo”, sidaas waxaa BBC u sheegay qareen Cabdiqaadir Axmed Nuur.

Kenya ayaan wali si toos ah dhankeeda arrintan ugala hadlin warbaahinta, kiiskuna wuxuu ahaa mid murankiisa uu in muddo ah soo jiitamayay.

Laakiin waxay xukuumadda Nairobi qormo ku aaddan codsigan u gudbisay guddiga Midowga Afrika.

Waxay qoraalkaas dheer ku caddeysay Kenya in uu wali sidiisii yahay mowqifkii ay ka qabtay muranka, ayna aaminsan tahay in biyaha xadka la isku heysto ay yihiin kuweeda.

Golaha Midowga Africa ayaa codsiga Kenya la wadaagay dhammaan safaaradaha dalalka xubnaha ka ah ururkaas.

Suurtagal ma tahay in Maxkamaddu ay aqbasho codsiga Kenya?

“Quote”

.
Waxaa jiray isku dayo lagu xallinayay xiisadda labada dal

Khilaaf dhinaca diblomaasiyadda ah oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore cirka isku shareeray, wuxuuna salka ku hayay muranka badda.

Bilihii ugu horreeyay sanadkan, mar waxay labada wadan kala qaateen safiirrada, inkastoo ay jireen dadaallo waanwaan ah.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay.

Kenya ayaa qaaday tallaabooyiin ka dhan ahaa dowladda Soomaaliya. Waxaa ka mid ahaa in safiirka Soomaaliya ee Nairobi loo sheegay inuu dalkiisa ku noqdo, taas oo markii dambe laga heshiiyay.

Go’aanka maxkamadda caddaaladda ee ICJ ay kasoo saareyso dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa la filayaa inuu soo baxo dhawaan.

Haddii ay Kenya ku guul darreysato kiiskaas, waxay waayi doontaa 100 kiilo mitir oo isku wareeg ah oo ka mid ah biyaha hodanka ku ah kheyraadka dabiiciga ah ee gaaska.

Muranka ma lagu xalin karaa wadaxaajood?

.

Dowladda Kenya ayaa doonaysa in murakan lagu dhameeyo qaab wadaxaajood ah oo ka baxsan maxakamada caalamiga ah ee ICJ.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa in muranka ay tahay in lagu xaliyo qaab sharci ah islamarkaana laga war sugo go’aanka maxakamada.

Balse khubarada ayaa sidoo kale ka digaya in xilligan ay dowladda Soomaaliya wax heshiis ah oo arrintan la xiriira ay gasho.

“Madaxwayne Farmaajo dhib badan baa haysta oo ah waxa uu dhexgalay meel adag, maxaa yeelay xilligan adag oo ay dorashana soo dhawdahay shucuurta Soomaalida na ay kacsan tahay haddii lagu arko isaga oo luuqyadaas wax ku saxiixaya markaas dhib badan baa u iman kara isaga iyo xukuumaddiisa,” waxaa sidaasi yiri Prof Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad oo ka faalooda arrimaha gobolka.

Kenya ayaa ku cadaadinaysa dowladda Soomaliya in miiska wadahadallada lagu dhammeeyo muranka badda.

“Kenya waxay leedahay Afrikaannimo aan ku wadahadalno, laba dal oo daris ah ayaa nahay, dano badan baa naga dhaxeeya abaal badan baan idiinku leenahay, waxaa jira wadamo badan oo sidaasi ku kala baxay oo aa maxkamad is gaynin,” ayuu yiri Prof Cabadiwahab.

Inta badan way adag tahay in xal waara laga gaaro muranka dhanka xuduudaha ee dowladaha u dhexeeya.

Khubarada ayaa soo jeedinaya in sida ugu sahlan ee lagu xallinkaro muranka badda uu yahay in loo daayo maxkamada oo go’aankeeda lagu kala baxo.

“Waxa la isku haysto dhul weeyaan, dhulna waa arrin xasaasi ah, kenya waxay leedahay taako dhulkeena ka mid ah kama tagayo, Soomaaliya na waxay leedahay hal taako oo dhulkeyda ka mid ah kama tagayo, marka sida ugu habboon hadda waxaa weeyaan maxkamadda adduunka ayuu kiiska yaalaa, ha ku kala baxaan kiiska,” ayuu intaa ku daray Cabdiwahab.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here