Maxaa sababay in dhaxal-sugaha Imaaraatka Carabtu uu booqdo guriga gabadhan yar?

Maxamed Bin Zayed Al Nahyan

Baraha bulshada ee dalka Imaaraatka Carabta iyo guud ahaan dalalka Carabta ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay qabsaday gabar yar oo aad uga qalbi jabtay dhaxal sugaha Imaaraatka, Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, kadib markii ay gacanta u taagta, si ay u salaamto, kadibna uu isaga dhaqaaqay.

Maxamed Bin Zayed Al Nahyan oo xiligaas dalkiisa kusoo dhaweynayay dhaxal sugaha dalka Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybqaatay dad ay u badan yihiin caruur saf la geliyay, waxaana dhaxal suge Maxamed Bin Zayed Al Nahyan uu salamaay inta badan caruurtii safka ku jirtay ee diyaarka u ahayd soo dhaweynta wafdiga Sacuudiga, balse aakhirka safka, waxaa uu ka tegay in uu salaamo gabar yar oo gacanta usoo taagtay.

Muuqaal laga duubay dhaxal sugaha oo sii dhaafay gabadha yar oo gacanta haadineysa ayaa qabsaday baraha bulshada ee dalkaas, waxaana dad badan ay hogaamiyaha ku canaanteen sababta uu u salaami waayay ilmaha yar ee gacanta usoo taagay.

.
Maxamed Bin Zayed oo dhaafaya gabadha iyo marka uu la kulmay

Gabadha yar oo lagu magacaabo Aisha Maxamed Masheet Al Mazroui ayaa u muuqatay in ay aad u dooneysay in ay salaanto dhaxal sugaha, balse markiiba waxay dib ula laabatay gacanteeda iyadoo aad uga niyad jabsan.

Hasayeeshee markii muuqaalka gabadha yar ee salaanta seegtay uu baraha bulshada qabsaday, dad badan waxaa ay bilaabeen olole ay ku dalbanayaan sababta uu Maxamed Bin Zayed u salaami waayay gabadha yar ee sida niyad samida leh u dooneysay in ay salaanto.

Saacado kadib, dhaxal suge Maxamed Bin Zayed ayaa waxaa uu arkay sida dadka baraha bulshada ay uga falceliyeen gabadha yar ee ka qalbi jabtay in uu salaami waayay, waxaana maalin kadib uu booqday guriga ay degan yihiin qoyska gabadha yar, isagoona ka raaligeliyay wixii dhacay oo uu sheegay in uusan u qasdin.

.

Maxamed Bin Zayed ayaa markii uu galay albaabka guriga Aisha Maxamed Masheet, waxaa uu ka dhuunkaday dhabanada iyo wajiga, waana uu salaamay isagoo u muuqday qof aad ugu faraxsan la kulanka gabadhaas yar.

Muuqaaladii laga soo qaaday dhaxal sugaha Imaaraatka oo la kulmay gabadha yar ayaa markale qabsaday baraha bulshada ee dalalka Carabta, waxaana dad badan ay ku bogaadiyeen sida uu u tixgeliyay rajada gabadha yar ee dooneysay in ay salaanto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here