Maxaa walaac looga muujinaya Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka ee Soomaaliya?

astaanta soomaaliya

Kooxaha Bulshada Rayadka Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka dalka Soomaaliya oo dhawaan golaha wasiirrada ee dowladda federaalka Soomaaliya ay meel mariyeen.

Waxaa ay sheegeen in xilligaan aaney habooneyn in golahaan oo muhiim u ah dalka ay meel mariyaan xukuumada oo dhawaan baarlmanaka Soomaaliya ay kalsoonida kala noqdeen.

Gudoomiyaha Isu taga Ururada Bulshada Rayadka Soomaaliyeed Cismaan Muxyadiin Shaatax oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay in walaacooda ugu weyn uu ku qotomo meel marinta Golaha Adeega Garsoorka taasi oo keeni karto dhibaato iyo kala fogaansho hor leh.

“Golahan waa gole muhiim ah oo laf-dhabar u ah dalka, mana haboono in xukuumad kalsoonidii lagala laabtay ay ansixsio golahan sababtoo waxaa fiican in loo daayo xukuumadda cusub.”

“Inaga waxaa doorkeena ah in walaaceena aan la wadaagno shacabka oo aanu u bidhaamino arrintan oo aan aaminsannahay iney sharciga baalmarsantahay, horseedi kartana dhibaato.”

Dhanka kale Xisbiga Wadajir ayaa sharci darro ku tilmaamay in xubno ka mid ah Xukuumaddii dhacdy ay ansixiyaan Golaha Adeegga Garsoorka.

Qoraal ka soo baxay xisbiga Wadajir ayaa lagu sheegay in Xukuumad heysata Kalsoonida Baarlamaanka ay awood u leedahay inay soo jeediso

“Waa tallaabo kale oo si ula kac ah Rajiimka talada haya ugu tuntay dastuurka iyo shuruucda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Wadajir.

Walacaan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii 30-kii bisha July ay Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay markii ugu horreysay yeesheen shirkoodii toddobaadlaha ahaa, wixii ka dambeeyay markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii dowladda Xasan Cali Kheyre, waxaana shirkaasi oo uu guddoominyay Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ka soo baxay qodobadan hoos ku xusan:

  • Dib u furitaanka duullimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya
  • Dib u billaabidda waxbarashada Iskuullada iyo Jaamacadaha
  • Magacaabista guddiga garsoorka
  • Hay’adda batroolka
  • Iyo guddiga farsamada doorashada ee looga dhawaaqay shirkii Dhuusamareeb.

Xukuumadda oo uu hogaaminayay Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayay Sabtidii la soo dhaafay baarlamaanka Soomaaliya kalsoonidii kala laabteen kaddib markii ay sheegeen iney xukuumadda ku guul-dareysatay arrimo dhowr ah oo muhiim u ahaa qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah. Qodobada uu Guddomiye Mursal sheegay inay xukumadda Khayre ka gaabisay waxaa ka mid ahaa:

  • Diyaarinta hanaan iyo qorshe cad oo lagu gaaraya doorasho qof iyo cod ah 2020/2021
  • Dhameystirka federaaleynta heerarka kala duwan
  • Go’aan ka qaadashada maqaamka caasimadda ka hor wakhtiga doorashada
  • Afti u qaadista iyo melemarinta dastuurka
  • Hirgelinta nidamka axsaabta siyaasadeed
  • Diyaarinta ciidmo amniga sugan heer federaal iyo dowlag goboleed ah doo sugo amniga doorashada
  • Diyaarinta qoondadii dhaqaale ee lagu qabna lahaa doorashada oo ana lagu soo darin miisnaayidda 2020.

Xil kaqaadista Xasan Cali kheyre ayaa waxaa ka dhashay fal-celino kala duwan oo gudaha iyo dibadduba ah. Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay qaabka ay u dhacday xil ka qaadista Xasan Cali Kheyre, waxaana war-bixin qoraal ah oo ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka xun tahay ficilladii madaxweynaha iyo aqalka hoose ee baarlamaanka ee ay kalsoonida kagala noqdeen xukuumadda, taa oo la sheegay in ay xagal daacineyso geedi socodka wadahadallada iyo wada xaajoodyada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada hase yeeshee Xasan Cali kheyre ayaa isaga dhankiisa sheegay inuu xilkii iska casilay isagoo u turaya dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay inuu doonayo inuu tusaale u noqdo umadda: “Aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed…mid dhaqaale, amni iyo bulsho ayaan sida ummadda Soomaaliyeed igu baratay, waxaan u noqonayaa tusaale, inaan marna halkan xukun u joogin laakiin aan u joogay inaan shacabka Soomaaliyeed u adeego,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here