Maxaad ka taqaannaa ninkii madaxweynaha ka dhigay Vladimir Putin?

vladimir putin

In muddo ah, madaxdii soo maamushay dalka Ruushka waxay awoodda ku qabteen qaabab kala duwan.

Xilligii ay boqortooyada ka jirtay waddankaas, boqorka wuxuu xilka ku heli jiray dhalasho.

Vladimir Lenin, oo Ruushka Ra’iisul Wasaare ka ahaa xilligii midowga Soviet, isaguna wuxuu maamulka ku helay kacdoon awgiis.

Sidaas waxaa Ruushka uga billaabatay dhaqdhaqaaqyada ay xisbiyada siyaasadeed sameynayeen, dad badan ayaana sugayay inay markooda fursadda helaan.

Laakiin 20 sano ka hor, Vladimir Putin gacanta ayaa loo galiyay furaha aqalka madaxtooyada ee loo yaqaanno Kremlin. Ninkan oo horay u ahaan jiray askari ka tirsanaa ciidamada sirdoonka Midowgii Soviet ee KGB, waxaa gacanta soo qabtay madaxweynihii Ruushka ee lagu magacaabi jiray Boris Yeltsin, waxaana fikirkaas ku raacay golihiisii hoose ee ku hareereysnaa.

Ujeeddadoodu waxay ahayd inuu Putin Ruushka ku hoggaamiyo qarniga 21-aad.

Laakiin maxaa lagu xushay Mr Putin?

“Ku xigeenkii cajiibka ahaa”

Valentin Yumashev wuxuu door muhiim ah ka qaatay in Vladimir Putin uu noqdo madaxweynaha Ruushka. Ninkan oo horay wariye u ahaan jiray inta uusan ku biirin saraakiisha madaxtooyada Ruushka waa dhif inuu bixiyo wareysi, laakiin wuxuu aqbalay inuu la kulmo wariye ka tirsan BBC-da, oo sheekadiisa uu la wadaagay.

Mr Yumashev wuxuu ka mid ahaa ragga uu sida weyn ugu kalsoonaa madaxweyne Boris Yeltsin – wuxuuna xitaa guursaday gabadh uu dhalay Mr Yeltsin, oo lagu magacaabo Tatyana.

Maadaama uu ahaa madaxa shaqaalaha ee Mr Yeltsin, wuxuu sanadkii 1997-kii Putin shaqadii ugu horreysay ka siiyay xarunta madaxtooyada ee Kremlin.

“Madixii maamulka ee Mr Yeltsin, Anatoly Chubais, oo markaas shaqada kasii tagayay ayaa ii sheegay inuu yaqaannay maamule karti badan oo ii noqon karay ku xigeen fiican”, ayuu yiri Mr Yumashev, isagoo dib u xasuusanayay markii ugu horreysay ee uu la kulmayay Putin.

“Wuxuu i baray Vladimir Putin, waxaana billownay inaan wada shaqeyno. Durbadiiba waxaan fahmay shaqada cajiibka ah iyo firfircoonida uu lahaa Putin. Wuxuu la imaan jiray fikrado cajiib ah oo la xiriira howlaha, aadna wuxuu ugu fiicnaa falanqeynta iyo difaacidda ra’yiga uu keeno”.

Wariyaha BBC-da ayaa weydiiyay su’aal ahay: “Ma jirtay mar aad ku fikirtay inuu Putin noqon doono madaxweyne?

.
Mr Putin, oo sawirkan qasriga madaxtooyada ee Kremlin looga qaaday 11-kii bishan December, 2019, wuxuu horay u ahaan jiray askari ka tirsan ciidamadii KGB ee ruushka

“Yeltsin wuxuu niyadda ku hayay dhowr qof oo xilka madaxweynaha u qalmay, sida Boris Nemtsov, Sergei Stepashin iyo Nikolai Aksenenko. Aniga iyo Yeltsin wax badan ayaan ka sheekeysannay qofka ay suurtagalka tahay inuu ku wareejiyo xilka. Xitaa mar waan ka wada hadalnay Putin.

“Yeltsin wuxuu igu yiri: ‘Bal ka warran Putin?’ Waxay ila tahay inuu yahay nin si wanaagsan ugu qalma xilka, ayaan ugu jawaabay. Waxay ila tahay inaad tixgalisid. Way caddahay kartidiisa, waxaana looga jeedaa shaqada uu hadda hayo, taasina waxay muujineysaa inuu diyaar u yahay howlo intaas kasii adag”.

Wariyaha BBC-da ayaa weydiiyay su’aal kale oo ahayd: “Putin miyey saameyneysay xubinnimadii uu ka ahaa ciidanka sirdoonka Soviet-ka ee KGB?”

“Qaar badan oo ka mid ah askartii sirdoonka ee KGB, sida Putin, way isaga tageen shaqadaas, ka dib markii ay ogaadeen inay noqotay hay’ad kalsoonida lagala noqday. Xaqiiqada ku saabsaneyd inuu horay xubin uga ahaa KGB wax micno ah ma sameyneynin. Sababtoo ah Putin wuxuu caddeeyay inuu ahaa nin dimuqraaddi ah oo dhexdhexaad ah, islamarkaana doonayay inuu sii wado isbaddalka”.

Xil la wareegistii qarsoodiga ahayd

Bishii August ee sanadkii 1999-kii, Boris Yeltsin wuxuu Vladimir Putin u magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha. Taasi waxay ahayd astaan cad oo muujineysay in madaxweyne Yeltsin uu Putin u diyaarinayay la wareegista qasriga madaxtooyada ee Kremlin.

Mr Yeltsin wuxuu qorshihiisu ahaa inuu sanad kale xafiiska sii joogo, laakiin bishii December ee sanadkii 1999-kii ayuu qaatay go’aan lama filaan ah oo ahaa inuu xilka ka dago wakhti hore.

“Saddex maalmood ka hor sannadka cusub, Yeltsin wuxuu gurigiisa ugu yeeray Putin. Anigana wuxuu iga codsaday inaan goob joog ka ahaado, sidoo kalena wuxuu kulankaas kasoo qeyb galiyay madixiisii golaha wasiirrada, Alexander Voloshin. Wuxuu u sheegay Putin inuusan meesha iska fadhin doonin ilaa bisha July, ee uu doonayo inuu iscasilo 31-ka December.

“Dad kooban oo kaliya ayaa ogaa arrintaas: waana aniga, Voloshin, Putin iyo Yeltsin gabadhiisa Tatyana. Yeltsin xitaa sirtaas uma uusan sheegin xaaskiisa”.

Mr Yumashev waxaa loo xilsaaray inuu diyaariyo khudbaddii iscasilaadda ee uu jeedin lahaa madaxweyne Yeltsin.

“Waxay ahayd khudbad ay adagtahay in la qoro. Way iska caddeyd in qoraalkaas uu taariikhda gali doono. Farriintu waxay ahayd muhiim. Taas ayeyna ahayd sababta aan u qoray sadarkii caanka ahaa ee ‘Iska key cafiya’.

Maalintii ka horreysay sanadka cusub, Boris Yeltsin wuxuu duubay khudbaddiisii ugu dambeysay ee telefishinka isagoo ku sugan qasriga Kremlin.

“Qof walba waxay la noqotay layaab, marka laga reebo aniga, maadaama aan ahaa qofkii qoray khudbadda. Dadku way wada ilmeeyeen. Waxay ahayd xaalad dareenka kicisay.

Vladimir Putin wuxuu islamarkiiba noqday madaxweynaha ku simaha ah. Saddex bilood ka dibna, wuxuu ku guuleystay doorashada.

.
Boris Yeltsin (bidix) iyo Mr Putin maalintii uu doorashada ku guuleystay bishii May 2000

‘Qoomamo ma jirto – Dadka Ruushka way aamineen Putin’

Mr Putin wuxuu awoodda maamulka Ruushka hayay muddo 20 sano ah, marka la isku daro xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha iyo marka uu madaxweynaha noqdayba.

“Yeltsin wuxuu aaminsanaa inay howl u taallay, Putin isaguna isla sidaas ayuu aaminsan yahay”, ayuu yiri Mr Solovei

Maanta Vladimir Putin dad badan uma aqoonsana inuu xilka ku helay sarkaalka sare ee BBC-da wareysiga siiyay awgiis. Marka Ninkan horay madaxda ugu ahaa Putin miyuu ka qoomameysan yahay inuu shaqadii ugu horreysay siiyay?

“Kama qoomameynayo”, ayuu yiri Mr Yumashev, wuxuuna intaas kusii daray: “Way caddahay in dadka Ruushka ay wali aaminsan yihiin Putin”.

Ilaa hadda, Mr Yumashev wuxuu qabaa fikirka ah in iscasilaaddii Boris Yeltsin ay cashar fiican u tahay madaxweyneyaasha Ruushka, Casharkaasoo ah “inay muhiim tahay in xilka loo banneeyo dadka dhalinyarada ah. Yeltsin arrintan waxay u ahayd mid aad muhiim u ah”.

Xigasho: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here