Maxamed Xasan Cirro oo loo doortay guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka

Maxamed Xasan Cirro

Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa loo doortay gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Soomaaliya ee heer federaal.

Guddoomiyaha ayaa la doortay kaddib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Maxamed ayaa wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada helay 14 cod, halka Liibaan Maxamed Xasan oo la tartamayay uu helay 10 cod.

Guddoomiye Ku xigeenka guddiga waxaa isku soo taagay afar xubnood oo kala ah Qareen Mawliid Mataan Salaad, Saciid Abshir Cilmi, Faadumo Mahamed Abdilaahi iyo Caasha Abuubakar.

Waxaa tanaasulay dhamaaan xubnihii la tartamayay qareen Mawliid Mataan. Waxa loo qaaday cod gacan taag ah, waxa uuna helay 23 cod.

Cirro ayaa hore u ahaa guddoomiyiha guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here