Meydadka 18 boqor oo isugu jira rag iyo dumar oo kasoo taliyay dalka Masar ayaa dhawaan laga raray goobtii ay yaalleen si loo geeyo madxaf cusub oo laga dhisay magaalada Qaahira. Laakiin dadka qaar ayaa ka cabsi qaba inuu “habaar ka dhashay” meydadkaas bannaanka loo soo saaray ee waddooyinka caasimadda la mariyay, sida lagu sheegay maqaal uu qoray wargeyska Daily Telegraph eekasoo baxa UK.
Haraadiga meydadka faraaciinta ee lasoo bixiyay waxaa ka mid ah Ramses II, oo la sheegay inuu yahay Fircoonkii ugu caansanaa ee la aaminsan yahay inuu talinayay xilligii Nabi Muuse CS, Qur’aankana lagu sheegay.
Qaar ka mid ah shacabka Masaarida oo baraha bulshada ka hadlay ayaa sheegay in musiibooyin xiriir ah oo dalkaas ka dhacay ay u maleynayaan inay ka dhasheen habaarka fircoon iyo faraaciinta kale ee meydadkooda la soo bixiyay.
Dhacdooyinka ugu waaweyn ee ay habaarkaas la xiriiriyeen waxaa ka mid ah go’doonkii Kanaalka Suweys ee qalalaasaha badan sababay iyo shil tareen oo ka dhacay magaalada Qaahira, kaasoo ay ku dhinteen 32 ruux.
Sidoo kale waxaa jiray dhisme ku tumay Qaahira oo dadka qaar ay sheegeen inuu sabab u ahaa habaarka ka dhashay meydadka la wareejiyay.
Haraadiga meydadka faraaciinta oo ay ku jireen afar haween ah ayaa waddooyinka Qaahira lagu wareejiyay intii ay socdeen fantasyaha bishii lasoo dhaafay.
Fircoonka Qur’aanka lagu sheegay ee la oran jiray Boqor Ramesses II wuxuu Masar xukumi jiray intii u dhaxeysay 1213 ilaa 1279 BC (oo ah taariikhdii ka horreysay miilaadiga lagu xisaabo dhalashii Nabi Ciise kaddib).
Waxaa kale oo meydadka waddooyinka lagu wareejiyay ka mid ah Fircoon aabihiis, Seti I, Boqoraddii la oran jiray Merit Amun oo ahayd gabadh la dhalatay boqor Amenhotep I iyo xaaskiisa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Dalxiiska ee Masar.
Madxafka cusub ee laga sameeyay Koonfurta Qaahira ayaa meydadkan looga soo baddalay madxafkii ay horay u yaalleen oo la dhisay sanadkii 1902. Wuxuu madxafka cusub u dhow yahay goobta loo yaqaanno Haradii Boqorrada oo ah meesha ay markii hore ku aasnaayeen meydadkooda.
Waa goob cimiladeeda la xakameeyo, sida ay dowladdu sheegtay.
Dadka dalxiiseyaasha ah iyo taariikhyahannada ayaa loo oggolaaday in ay booqdaan madxafkan, si ay u arkaan meydadka faraaciinta iyo naxashyadoodaba.
18-kii bishan ayaa markii ugu horreysay loo furay inay dadka gudaha u galaan. Markii ugu horreysayna waxaa meyd walba agtiisa lagu dhajiyay sawirrada raajada iyo macluumaad kale oo ku saabsan asalkiisa iyo taariikhdiisa.