Maxay tahay lacagta ay Somaliland sheegeyso inay ka dhacdo DF Soomaaliya?

astaanta somaliland

Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka dhacdo lacag malaayiin dollar ah, oo ah dhaqaalaha ka soo baxa diyaaradaha isticmaala Hawada Soomaaliya, oo qeyb ka aheyd Somaliland.

Maareeyaha Hay’adda duulista iyo maamulka madaarrada Somaliland, Cumar Sayid oo khudbad ka horjeediyay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa waxa uu ku dooday in dowladda federaalka aysan gacanta ku hayn maamulka diyaaradaha Somaliland, hase yeeshe ay maamulato dhaqaalaha kasoo baxa, ee ay xaqa u leedahay Somaliland, sida uu yiri.

“Hawada waxa laga maamulaa Taawar, iyaguna (Soomaaliya) Taawar bay haystaan, annaguna (Somaliland) Taawar baanu haysanaa, laakiin waxa keliya ee inaga maqani waa Dakhligii innaga dhexeeyay (Soomaaliya) ee ay ahayd inaynu qaybsano intaynu kala baxayno ayay keligood dhinac ula jeedsadeen,” ayuu yiri.

“Hawo ay maamulkeeda awood ku leeyihiin iyo diyaarad ay innaga joojin karaan iyo mid ay inoo fasixi karaan midna ma jirto, taana waynagii markii ugu dambaysay ay Jabuuti kaga wada-hadalnay, Beesha Caalamkuna garta innaga ayay ina siisay, wixii ay heshiis ka baxeena miiska ayaynu keenay, iyagaa (Soomaaliya) weli isku maqan oo isku buuqsan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilmatay dhowrista xeerka duulimaadyada Adduunka oo dhigay in aan marnaba la carqaladeyn duulimaadyada Rayidka ee dunida iskaga kala-goosha.

Mareeyaha ayaa ugu dambeyntiina ku hanjabay in xukuumada Somaliland, gaar ahaan Hay’adda duulista ay qaadi doonto qorsheyaal ay ku maareynayso maamulka hawadeeda, oo uu ka gaabsaday shaacinteeda, kuwaasi oo dhaqan-geli doona haddii ay dowladda federaalka waxba ka hirgeli waayan, sida uu sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here