Maxay tahay sababta amniga doorashada loogu wareejiyay Ciidamada ATMIS?

doorasho soomaaliya

Dhawaan guddiga isku dhafka ee labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee qaabilsan qabashada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray hab-raaca amniga doorashada oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho gaar ahaanna Teendhada Afisyooni. Doorashada oo jadwalaysan 15-ka bishaan May ayaa amniga guud ahaan doorashada waxaa guddigu sheegeen in lagu wareejiyay ciidamada (ATMIS) oo ah kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika .

Arrintaan ayaa ka dhigan in ilaa saddex albaab oo ah kuwa laga galayo halka lagu qabanayo doorashada ay joogi doonaa ciidama ATMIS, kuwaas oo hubin doono xaaladda amniga musharrixiinta, martida iyo guudahaan dadka halkaa tagay.

Albaabka Madina Gate oo la sheegay in dhammaan musharraxiintu ka galayaan Teendhada Afisyooni ayaa looga reebi doonaa ciidamada hubaysan ee ay wataan sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay guddiga isku dhafka ah ee gacanta ku haya howsha doorashada. Inkasta oo ciidamada ATMIS ilaaliyaan goobta doorashada iyo agagaarka haddana halkaa waxaa la gayn doona tiro kooban oo ka mid ah ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay sugi doonaan amniga waddooyinka magaalada Muqdisho. Sababta aysan amniga gudaha u sugayn ciidamada Soomaaliya ayaa lagu sheegay si aysan isku halayn u dhicin.

Mar wax laga waydiiyay Maxamed Ibraahim Mucalimow oo ka tirsan guddiga isku dhafka ah ee doorashada sababta aan gudaha loogu oggalayn ciidamada Soomaaliya wuxuu sheegay:-“Gudaha ciidamadu way joogaan ciidamo boolis ah ayaana ka shaqeeynaya inkasta oo tiradoodu koobantahay sababtuna waxay tahay waa anshaxa iyo baratakoolka ee maaha”.

Dadka qaar ayaa qaba in amniga doorashada lagu wareejiyo ciidamada ATMIS ay muujin karto kalsooni darro laga qabo ciidamada Soomaaliya,hase yeeshee waxaa arrintaa meesha ka saaray Mucalimow oo sheegay in sidaa aan loo qaadan karin maadaama ciidamada Midowga Afrika ay ilaaliyaan inta badan xaruumaha dowladda ee muhiimka ah, Wuxuu sheegay sidoo kale in musharaxiinta oo isugu jira siyaasiin kala duwan loo doonayo in loo sinaado sidaas tarteedna ay noqtay ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay sugaan amniga.

“Ujeedku waxaa waaye in guudahaan musharaxiintu u sinnaantu qarabaa dowladda ka tirsan hadda, qarabaa kuwii hore ah qaarbaan waligood madax noqon marka waxaas dhan waxay tahay in murashaxiintu sinnaadaan oo amniga ay u sinnaadaan ujeedkuna intaas waaye wax kaloo dhib ah ma jiro.” ayuu yiri Mucalimow oo BBC-da u warramayay.

Xilligaan oo ah waqti xasaasi ah oo dadlku jawi doorasho ku jiro isla markaana ay magaalada Muqdisho la ciirciirayso marti iyo murashixiin badan ayaa la rumaysanyahay in xoojinta amniga ay tahay arrin muhiim ah si doorashadu ugu dhacdo jawi xasillooni ah. Warbaahinta ayaa iyana wararka doorashada ka tabin doonta hool gaar ah oo ay ku xiranyihiin shaashado ay kala soconayaan sida ay doorashadu u socoto.

Doorashadii guddoonka baarlamaanka ayaa waxaa dhacay buuq dhanka amniga ah kadib markii ciidamada booliiska ay diideen in ay gudaha galaan xildhibaano lagu muransanaa oo metelayay gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here