Maxay tahay warqadda uu Amiirka Qatar u soo diray Madaxweyne Farmaajo?

Emir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani

Amirka Labaad ee Qatar Sheekh Tamim bin Xamad, ayaa farriin qoraal ah u diray madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee dowladda Qatar.

Qoraalka “wuxuu ku saabsanaa xiriirka labada dal iyo sida loo xoojin karo, loona sii wadi karo”, ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay Qatar News Agency.

“Waxaa intaa dheer, arrimaha siyaasadeed ee dhowaan ka soo kordhay Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay in lagu guuleysto dib u heshiisiin qaran si loo garto xasilinta dalka”.

Warbixinta qoraalka ah ee dowladda Qatar waxaa lagu sheegay in farriinta Amiirka loo sii dhiibay Ergeyga gaarka ah ee Mutlaq Al-Qaxtani, oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay Muqdisho.

“Wuxuu warqadda ku wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya, markii uu kula kulmay Muqdisho”, ayaa lagu sheegay qoraalka Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here