Maxay yihiin Gantaallada S-400 ee Mareykanku diidan yahay in Turkigu soo iibsado

S 400 SAM SYSTEM

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wareysi uu siiyay telefishinka CBS ee laga leeyahay Mareykanka ku sheegay in dowladdiisa ay qorsheyneyso inay Ruushka ka soo iibsato qayb labaad oo ah gantaallada S-400.

Hase yeeshee Durbadiiba Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa yiri: “Waxaan uga digeynaa Turkiga inuu qalab dheeraad ah oo militari ka soo gato Ruushka.”

Xukuumadda Ankara ayaa u muuqata in ay dhagaha ka fureysaneyso digniinta Washington, sidii ay marar kaleba horay u sameysay.

Muxuu yiri Erdogan?

Isagoo Axaddii ka qayb galayay barnaamijka “Face the Nation” ee ka baxa warbaahinta CBS ayay wariyaha daadihineysay barnaamijka, oo lagu magacaabo Margaret Brennan, weydiisay su’aashan.

“Waxay u muuqataa in in aad wali qorsheyneysaan sidii aad qayb kale oo gantaallada S-400 kusoo iibsan lahaydeen, soo sidaas ma aha?

Erdoan oo ka jawaabayay su’aasha ayaa yiri: “Waqti dhow ayaan soo iibsaneynaa, ma jirto cid faro gashan karta arrimo uu leeyahay wadan kale, lagamana hadli karo tirada qalabka difaaca ee aan iibsaneyno iyo qaaka aan u iibsaneyno toona. Annaga ayaa arrimahaas go’aankooda iska leh.”

.

Wariyaha ayaa ku celisay hadalka oo tiri, “ma waxaad ula jeeddaa haa”. Erdogan oo islamarkiiba jawaab celinayayna wuxuu yiri: “Maxaad ka waddaa? Dabcan waa haa.”

Fal-celinta Mareykanka

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa durbadiiba wax laga weydiiyay sida ay dowladdiisa u aragto hadalka Recep Tayyip Erdogan.

“Waxaan uga digeynaa Turkiga, si walba ayaan digniin ugu direynaa, heer walbana waan gaarsiineynaa, waxaana u seegeynaa in uusan sii heysanin gantaallada S-400 iyo in uusan qalab militeri oo dheeraad ah ka iibsanin Ruushka,” ayuu yiri Sfhayeenka.

‘Waxaa ka dhalanaya cunaqabateyn’

“Waan sii wadi doonnaa inaan si loo wada jeedo oo faahfaahsan ugu sheegno Turkiga in hub walba oo cusub oo uu kasoo iibsado Ruushka uu keeni karo in la saaro cunaqabateyn dheeraad ah, taasoo ka baxsan cunaqabateyntii lagu soo rogay bishii December ee sanadkii 2020-kii,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Russian S-400s in Ukraine's Crimea peninsula. Photo: November 2018
Qoraalka sawirka,Gantaalla S-400 waxay ka mid yihiin kuwa ugu halista badan ee loo adeegsado weerarrada dhinaca cirka

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxa uu sidoo kale sheegay in Washington ay Turkiga u aragto wdadan xulafo iyo saaxiib la ah, ayna hadda raadinayaan qaabkii ay ku sii xoojin lahaayeen xiriirka bah-wadaagnimo ee ay la leeyihiin Turkiga “inkastoo ay jiraan arrimo ay ku kala aragti duwan yihiin”.

Bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay ayay waaxda dhaqaalaha ee Mareykanka cunaqabateyn dul dhigtay Turkiga kaddib markii ay Ankara dalkeeda geysatay gantaallada difaaca hawada ee S-400 oo ay kasoo iibsadeen Ruushka.

Bishii April ee sanadkna 2021-ka ayay dhaqan gashay cunaqabateyntaas oo lagu magacaabo “CAATSA”, waxaana sidaas Turkiga looga mamnuucay hub uu kasoo iibsan lahaa Mareykanka.

.

Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa cunaqabateynta CAATSA ansixiyay sanadkii 2017-kii. Hindise sharciyeedkaas waxa uu sidoo kale waddada u xaaray in cunaqabateynno lagu soo rogo dalalka kala ah Ruushka, Iiraan iyo Kuuriyada Waqooyi.

Labada waddan ayaa ka wada tirsan gaashaan buurta NATO, walow ay waxyaabo badan oo dhanka militariga khuseeya ay isku maan dhaafaan.

Turkiga ayaa hadda wada wadahadallo uu Ruushka uga iibsanayo gantaalladaas, waxayna u muuqataa in Ankara aysan wax tixgelin ah siin doonin carada uu Mareykanku ka muujinayo tallaabadan.

Erdogan ayaa marka uu wareysiga CBS bixinayay sheegay in uu farriin u dirayo madaxweyne Joe Biden.

“Waxaan u sheegayaa Biden, arrintan waa lagama maarmaan. Horay waxaan uga iibsannay diyaaradaha noocoodu yahay F35. Waxaan bixinnay lacag dhan 1 bilyan iyo 400 oo milyan oo doolar balse Mareykanku nama uusan siinin diyaaradihii aan ka bixinnay 1 bilyan iyo 400 oo milyan oo doolar, maxaa diyaaradahaas naloo siin waayay, annagoo lacagtooda bixinnay?”.

Maalinta Arbacada ah ayaa la filayaa in madaxweyne Erdogan uu la kulmo dhigiisa dalka Ruushka, Vladimir Putin, arrimaha kale ee ay ka wada hadli doonaan labada hoggaamiyena waxaa ka mid noqon doona xaaladaha kasoo kordhay waqooyiga-galbeed ee dalka Suuriya.

Sidey u shaqeeyaan gantaallada S-400?

.
  • Gantaalladan ayaa leh raadaar la socda dhaqdhaqaaqa hawada, kaasoo marka uu wax khatar ah arko islamarkiiba xogta u diraya gaariga weyn ee ay gantaallada saaran yihiin
  • Kaddib waxaa xiga qiimeyn lagu sameynayo waxyaabaha hawada lagu arkay iyo sida loo bartilmaameedsan karo
  • Islamarkii bartilmaameedka la aqoonsado gaariga ay gantaallada saaran yihiin wuxuu amar ku bixinayaa in gantaal la rido
  • Xogta ku saabsan meesha gantaalka lagu ridayo waxaa loo dirayaa gaariga sida ugu habboon u beegsan kara, hawada ayaana lagu fasaxayaa gantaalka
  • Kadib raadaar kale oo loogu talo galay gantaallada la dira ayaa kusii hagaya bartilmaameedka loo waday

Qaybtii ugu horreysay ee gantaallada S-400 waxa uu turkiga helay bartamihii sanadkii 2019-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here