Maxkamad go’aan lama filaan ah ka gaartay Soomaaligii dadka ku laayey Jarmalka

jeel

Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa Talaadadii amartay in isbitaalka dhimirka la geeyo nin Soomaali ah oo saddex qof oo haween ahaa mindi ku dillay, magaalada Koonfureed ee Wuerzburg, sanadkii tegay.

Sagaal qof oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarkan bishii June 2021 ka dhacay magaalada ka tirsan gobolka Bavaria.

Eedeysanaha oo Jarmalka ku yimid magangalyo, ayaa lagu eedeeyey inuu mindida u adeegsaday inuu ku weeraro dad ku sugnaa dukaan kahor inta aanu waddooyinka kuwa kale ku weerarin.

Dacwad-oogayaasha ayaa markii hore u arkay in weerarka uu ahaa mid argagixiso, hase yeeshee baaritaan xigay ayaa arrintaas lagu xaqiijin waayey. 

Kahor maxkamadeynta, oo billaabatay bishii April, laba khabiir oo ay amartay maxkamadda ayaa soo ogaaday in qofka weerarka fuliyey uu maskaxdo ka qabo xanuunka Schizophrenia, oo ah isku dhexyaac maskaxeed oo halis ah oo dadku si aan caadi ahayn u fasiraan xaqiiqada, sidaas darteedna aysan suurta-gal aheyn in dambi ahaan mas’uul looga dhigo ficlladii uu gaystay.

Sidaas darteed, garsooraha Maxkamadda degmada Wuerzburg Thomas Schuster  “ayaa amaray in eedeysanaha la geeyo isbitaalka dhimirka kadib go’aan ay garaeen xeerbeegtida,” ayuu yiri afhayeen u hadlay.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in qofka Soomaaliga, oo Jarmalka yimid 2015, uu sheegay inuu maskaxda ka maqlayey codad ku amraya inuu weerarka fuliyo. 

Go’aanka Maxkamadda ayaa ah mid naadir oo lama filaan ah, sababtoo ah, inta badan dadka Muslimiinta ah ee weerarada gaysta waxaa durba lagu shabadeeyaa argagixisanimo, halka kuwa caddaanka ah mar kasta loo raadiyo qiil ah “inay maskaxda ka xanuunsan yihiin.”

Berlin ayaa qaadatay hal milyan oo qof oo magangalyo doon ah 2015 illaa 2016, xilligii ay aadka u kacsaneyd xasaradda muhaajiriinta Yurub. 

Imaatinka muhaajiriinta ayaa aad u kala qeybiyey Jarmalka, waxayna horseedday sare u kaca xisbiga midigta-fog ee AfD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here