Maxkamada Hargeysa oo hal sano oo xarig ah ku riday tifaftiraha Horncable TV

weriye codey

Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa hal sano oo xarig ah iyo ganaax dhan 3 milyan Somaliland shilings (270 euros) ku xukuntay tifaftiraha taleefishinka Horn Cable Cabdiqaadir Saleymaan Caseyr oo ku magac dheer Codey.

Maxkamada ayaa waxa ay weriyaha ku eedeysay inuu faafiyay war been ah kaasoo ku saabsanaa xaalada garoonka diyaarada magaalada Hargeysa kadib markii ay ka cabatay diyaarad laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale tifaftire Codey ayay maxkamadu ku eedeysay wareysi uu la yeeshay taleefishinka Suldan Abubakar Elmi Wabar oo hoggaamiye ka ah jabhad loogaga dhowaaqay gobolka Awdal.

Ururka Saxafiyiinta FESOJ ayaa  soo saaray qoraal uu ku cambaareynayo xukunka maxkamada magaalada Hargeysa ay ku ridey weriye Codey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here