Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Askar loo heysto dil iyo dhaawac

X Muuse Warsame iyo X Xuseen M xukun

Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa loo heystaa in ay si bareer ah ugu fureen rasaas laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj mareysay bar kontorool oo ay ku sugnaayeen 7-da bishii sagaalaad ee Sanadkan.

Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka wada tirsanaa ciidamada Booliiska, waxaana isla xilligii ay geysteen dhaawaca iyo dhimashada la wareegay hey’adaha baarista.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo eedeeyay labada eedeysane baaritaan dheer kadib 16-ka bishii tegtay, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in la muddeeyo dacwad qaadista Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo loo heysto dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay agagaarka Isbitaalka Masaarida ee degmada Hodan.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Ciidamada Qalabka Sida Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda u sheegay in labada eedeysane ay ku tala galeen dilka wadaha Mootada balse xabad uu riday Xasan Xuseen Maxamed xabad uu riday ay sababtay geerida Marxuumad Istar Axmed Cabdulle, halka Xasan Muuse Warsame uu dhaawac u geysatay Faadumo Axmed Cabdulle.

Dable Boolis Xasan Xuseen Maxamed ayay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuumad Istar Axmed Cabdulle halka Dable Boliis Xasan Muuse Warsame ay Maxkamaddu ku xukuntay Shan Sano oo xabsi ciidan ah iyo in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ayaa sheegay Xukunkan in laga qaadan karo Rafcaan muddo ku siman sodon maalmood xukunka kadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here