Maxkamadda G Banaadir oo u yeertay lix eedeysane loo heysto faafinta xogaha amniga Qaranka

0

 Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay qoraal ay ugu yeereyso 6-eedeysane oo u badan ajaanib, kuwaas oo loo heysto inay ku kaceen falal basaasid ah oo ay faafiyeen xogo ku saabsan amniga Qaranka.

Eedeysanayaasha kala ah:

1 –Matt Brydan
2 –Kheyre Cabdiraxmaan Raage
3 –Rashiid Cabdi
4 –Emmanuel Deisser
5 –Robison Colin
6 –David Hopkines 

Ayaa lagu war gelinayaa inay hor tagaan Maxkamadda gobolka Banaadir oo uu ka furanyahay gal-dacwadeed ciqaab ah oo ay ku muteysteen inay ku kaceen falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amniga Qaranka, sameynta basaasid siyaasadeed iyo mid ciidan, waxayna ku xadgudbeen shuruucda dalka, sida lagu sheegay qoraalkan.

Afar ka mid ah ragaan waa ajaanib, halka labada kale ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

 “Maxkamadda gobolka Banaadir waxay fareysaa eedeysanayaasha kor ku xusan inay maxkamadda yimaadaan maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 29-05-2021, si ay isaga difaacaan eedda loo heysto,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Raggan dacwada laga gudbiyay waxaa ka mid ah Matt Bryden oo ah agaasimaha hay’adda Sahan Research oo horay dalka looga mamnuucay, waxuuna mar soo noqday xiriiriyaha guddiga dabagalka cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here