Maxkamadda ICJ oo soo saartay digniin ku saabsan kiiska badda Soomaaliya

somalia kenya flag

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ oo ay taalo dacwad u dhaxeyso Dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku saabsan kiiska Dacwadda Badda.

Maxkamadda ayaa dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya kusoo dartay warbixin ay soo saartay oo ka hadleysay waxqabadkeeda 2019.

Maxkamadda ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya u sheegtay inaysan mar kale aqbali doonin dib u dhigista dacwadda.

Maxkamadda ayaa Dacwadda labada dowladood u mudeyso inay ugu dambeyn dhacdo Bisha June ee sanadka soo socdo 2020.

Dhanka kale Maxkamadda ayaa caddeysay inay Kenya horey u sheegtay inaysan Maxkamadda Kiiskaas qaadi karin balse Maxkamadda ayaa sheegtay inay ku adkeysatay inay kiiskaas awood sharci ah u leedahay inay qaado.

Waxay sheegtay in labad Dowladood ay awood u yeelan waayeen inay kiiskooda ku xaliyaan qaab diplomaasiyadeed hadda wixii ka dambeeyana uu go’aanka hor yaalo maxkamadda iyadana ay soo saari doonto.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan maxkamadda ICJ ka codsaday in muddo 12 bil ah loogu daro kiiska Dacwadda taasoo ay maxkamadda aqbashay.

Kenya ayaa dhawr jeer isku dayday inay wadahadal ku dhameyso muranka Badda ee labada dowladood balse Dowladda Soomaaliya ayaa diiday arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here