Maxkamadda Racfaanka oo xukunktay in guurka Islaamka uusan ku ansaxayn UK

maxkamada rafcaanka

Maxkamad ayaa dib u eegtay xukun la riday laba sanadood ka hor, kaas oo lagu ogaaday in lamaane iskuguursaday qaabka Islaamiga ah ay suuragal tahay in sharciyan aanay isqabin.

Maxkamadda Sare ayaa 2018 waxa ay xukuntay in lamaanaha isku guursaday xafladda “nikaaxa” Islaamka uu waafaqsan habka guurka ee shuruucda Ingiriiska.

Hasayeeshee Maxkamadda Racfaanka ayaa haatan waxa ay sheegtay in xafladda meherkaasi aanay “sharciga waafaqsanayn”.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in maadaama ay lamaanahaas doonayeen inay qabsadaan xaflad guud ay taas ka dhigan tahay inay ogaayeen in guurkooda Islaamiga ah uu sharci ka ahayn gudaha UK.

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa waxa uu racfaan ka qaatay go’aankaas hore ee maxkamadda.

Kiiska furriinka ayaa waxa uu u dhaxeeyay Nasreen Akhter iyo Mohammed Shabaz Khan, kuwaas oo dhalay afar canug.

Lamaanaha ayaa makhaayad ku taal bariga London waxa ay ku qabsadeen xaflad caruus sanadku markuu ahaa 1998, halkaas oo uu joogay Imaam iyo marti cadadkoodu uu ku dhawaa 150, walow Mrs Akhter ay si ku celcelis ah arrinta u soo hadal qaadday.

2016 ayey dudmo ku kala tageen ilaa markaana Mr Khan uu isku dayay inuu xannibo dacwadda furriinkeeda isagoo ku doodaya in markii horaba aanay sharci aysan isku guursan.

‘Shareecada oo kaliya’

Mrs Akhter ayaa waxa ay ku doodday in guurkooda Islaamiga ah uu jiray, kaas oo ahaa codsiga ay ku dalbanaysay furriinka, sidaas daraadeedna ay xaq u leedahay in sharciga uu difaaco oo ay hesho xaqa ay leeyihiin lamaanayaasha isqaba ee UK.

Codsigeeda furriinka ayaa waxaa la darsay intii ay socotay maxkamadda ay qaadaysay Waaxda Qoyska ee Maxkamadda Sare markaas oo Mr Justice Williams uu qoray xukunkiisa xagaagii 2018.

Waxa uu xukumay in maadaama lamaanaha ay isu kaliyoobeen oo ay nin iyo xaaskii noqdeen, Mrs Akhter ay saxnayd midowgoodana ay tahay in la aqoonsado sababtoo ah waxaa laga filayaa inay raacaan habka guurka Britain.

Xaakimku waxa uu inku daray in guurkooda uu ku dhacay hab waafaqsan Xeerka Qoyska, walow Mr Khan uu ku doodaayo in guurkaas uu waafaqsanaa “Shareecada Islaamka oo kaliya”.

Garsoore Williams ayaa sheegay in Mrs Akhter ay sidaas daraadeed ay xaq u leedahay in ilaa xad in dacwadda ninkaas la tuuro karo oo iyada gar la siin karo.

Maxkamadda Racfaanka ayaase Jimcihii meesha ka saartay go’aanka waxa aanay sheegtay in guurkaas uusan “waafaqsanayn” sharciga guurka ee Ingiriiska.

Waxaa go’aanka maxkamadda lagu sharaxay in guurkaas uusan “gaarin heerkii loogu talagalay” maadaama aanan lagu qaban guri u diiwaangashay guurka, wax shahaado ah oo la soo saarayna aanay jirin amaba uusan goobta joogin waaxda diiwaangelinta.

“Lamaanaha iskuma aanay guursan shuruucda Ingiriiska”, garsoorayaasha maxkamadda racfaanka ayaa sidaasi sheegay.

Mrs Akhter ama Mr Khan ayaanan wax door ah ku lahayn dhageysiga dacwadda racfaanka aheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here