Maxuu Cali Guudlaawe kala hadlay Cali Mahdi iyo Fahad Yaasiin?

Cali Gudlaawe iyo Cali Mahdi

Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho, waxuuna ka waday kulamo intooda badan looga arrinsanayey muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Labada masuul ayaa kulankooda isaga xogwareystay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan deegaanada HirShabeelle. Waxuuna Cali Mahdi tallooyin iyo dardaaran siiyay Madaxweyne Cali Guudlaawe, isagoo kula taliyay inuu xoogga saaro dib u heshiisiinta iyo nabadeynta, sida aan xogta ku helnay.

Dhanka kale Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa kulan xarunta hey’adda Nabad sugidda kulan gaara kula yeeshay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, waxaana kulankaas xoogiisa la sheegay in looga hadlay arrimaha doorashooyinka oo is mari-waa xoog leh uu ka taagan yahay.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Madaxweynihii Seddaxaad ee maamullada taabacsan dowladda dhexe oo xarunta Nabad sugidda ugu tagay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Xogta aan heleyno waxay sheegaysaa in dowladda federaalku ay dadaal ugu jirto sidii deegaanada dowlad goboleedyada taabacsan ay uga qabsoomi laheyd doorashada xubnaha Aqalka Sare, inta aan la gaarin 8-da Febraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here