Meeqa lacag ah ayuu qofku diyaarad la raaci karaa?

dollar

Markii shalay ay ciidammada booliska ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay gacanta ku dhigeen lacago ay sheegeen in si sharci darro ah lagu soo galiyay dalka, ayaa arrintaas waxa ay dhalisay su’aalo badan oo ay dadku iska waydiinayaan xaddiga uu qofku la safri karo.

Baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa haddaba waxa ay dadku isku waydiinayeen xaddiga lacageed ee uu qofku diyaaradaha la raaci karo iyo shuruucda uga dagsanba.

Dunida oo dhan waxaa jira xaddi lacageed oo uusan qofku kala bixi karin dalka oo uusan kala gudbi karin koontarada iyo goobaha dadka iyo waxyaabaha ay wataan lagu baaro ee garoomada diyaaradaha.

Tusaale ahaan UK lacagta ugu badan ee qofka loo ogolyahay inuu kaash kula soo galo waa 10,000 oo euros, haddii aad wadatid lacag ka badan waxaa qasab ah inaad waaxda kastamyada u sheegtid, waa haddii aad lacagtaas u wadid ama kala imaanaysid dal aan Midowga Yurub ahayn. Arrintaas oo la daabacay intii UK ay midowgaasi ka tirsanayd.

Mareykanka haddii aad dal kale u safraysid waxaa qasab ah inaad sheegtid haddii lacagta aad wadatid ay ka badan tahay 10,000 oo doolar, markaas kaddibna aad u diyaargarowdid in ciidammadu ay su’aalo ku waydiiyaan aad ku sharraxaysid halka aad lacagta u waddid.

Haddaba haddii aanad doonayn inaad qaadatid lacag badan waxaa kuu sahlan inaad jeegga dadka safro taas oo aad lacag uga badalan kartid bangiyada shisheeye. Hasayeeshee xaalku baryahan sidii hore ma ahan.

Hasayeeshee in qofku uu lacag badan diyaarad la raaco ayaa waxaa loo arkaa inay tahay lacag lagu kala gudbiyo si sharci-darra ah.

Maxaa shalay ka dhacay garoonka Muqdisho?

Ciidammada booliska ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha u kala goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ay sidday lacag aanay xaddigeeda sheegin.

Ciidammada ayaa arrintaasi weli baaraya, iyadoo Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Cali Doodishe, oo BBCda u warramay uu sheegay inay baarayaan lacagta sida sharci-darrada ah dalka lagu soo galinayay.

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray in lacagta ay ka timid magaalada Nairobi inkastoo uu sheegay inuusan nala wadaagi karin cidda ay ka socotay iyo ciddii ay ku socotay iyo sidoo kale xaddiga lacagtaas.

“Sabata loo qabtay ayaa ah in shuruucda caalamaiga iyo tan waddankuba aysan ogolaanayn in lacag intaa la’eg oo aan la ogeyn meesha ay ku socota uu qof gacanta ku qaado, haddii si kale loo dhigana waa kontorabaan.”

Ma jirtaa cid loo xiray tallaabadaasi?

Afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu hayo qof la tuhunsan yahay “Waxaa ilaa haataan loo xiray eedeysanihii waday lacagta wayna jiri kartaa cid kale oo ku lug leh, baaritaan ayaana weli wadnaa,” ayuu yiri Saadiq Adan Cali Doodishe.

“Marka waxaan oo kale ay dhacaan dalka shuruuc baa u taalla taas ayaana lamarin doona cid kasto oo ku lug leh laakiin inta ka horreysaa waxaa waajib ah in la xafido lacagta oo ay ammaan ahaato waxaana loo gudbin doonaa maxkamadaha caddaaladda gaar ahaan maxkamadda Gobolka Banaadir.”

Dhanka kale taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu boogaadinayo Ciidanka Saldhigga Booliska Garoonka Aadan Cadde.

Arrintaan ayaa imanysa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo goor sii horreysay waraysi siinayay Tv-ga Shabelle ee xaruuntiisu tahay Muqdisho uu Kenya ku eedeeyay inay faro gelin ku hayso Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa oo la weydiiyay farqiga u dhaxeeya Itoobiya iyo Kenya ayaa sheegay in Itoobiya ay haatan joojisay farogelintii oo isbadal ka dhacay.

Wuxuu sheegay in xilligii ay Itoobiya xukumaysay TPLF ay Soomaaliya farogelin ba’an ku hayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here