Meydka labo Injineer Turki ah oo ku geeriyooday qaraxii shalay oo lagu celiyey dalkoodii

coffin turkish3

Meydka labo muwaadin Turkish ah oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday qaraxii weynaa ee shalay ka dhaxay Ex Koontarool Afgooye ayaa maanta loo duuliyay dalkooda, si halkaas aas loogu sameeyo.

Labadan muwaadin ayaa ka mid ahaa shirkadda dhiseysay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana la sheegay inay ahaayeen Engineero.

Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in labo muwaadin Turkish ah ay ku geeriyoodeen qaraxii shalay.

Ka hor inta aanay diyaarada ka duulin Garoonka Muqdisho ayaa loo duceeyay labada meyd, iyadoo alle looga baryay in naxariistiisa janno uu siiyo.

Diyaarada Milateri oo kuwa caafimaadka ah ayaa lagu qaaday labada Meyd iyo tobaneeyo dhaawayo dadkii Soomaaliyeed ee qaraxii shalay waxyeelada ka soo gaartay.

Turkiga ayaa diyaarad milateri oo kuwa caafimaadka u soo diray Muqdisho, taasoo siday daawo iyo dhaqaatiir ka qeyb qaadanaya howlaha gurmadka ee lagula tacaalayo dhibaatadii ka dhalatay qaraxii shalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here