Midowga Musharaxiinta oo go’aan kasoo saaray hadalkii Indha-Cadde iyo banaanbax cusub

xasan iyo shiikh shariif

Guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta hadal ka jeediyey shir jaraa’id oo musharaxiintu ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhow arrimood oo ku saabsan rabshadihii ka dhashay banaanbixii ay iclaamiyeen todobaadkii hore.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan jirin cid ay u wakiisheen ka hadalka aragtidooda, isla markaana aan dhiigooda loo baneysa karin hadal ka soo yeeray qof aan ka tirsaneyn golahooda.

“Cid aan u wakiilanay hadalkeena iyo aragtideena maanta ma jirto, waxaan nala yiraahdaa golaha musharaxiinta waxaa nawada khuseeya wixii aan wadajir u soo saarno, nama khuseeyaan wax ka yimid qof aan naga tirsaneyn dhiigeenana looma baneysan karo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hadalkan ayaa u muuqda mid uu goluhu isaga fogeynayo hadal habeenkii Jimcaha inta aysan rabshaduhu bilaaban uu tallada Daljirka ka sheegay Jeneraal Indhacadde oo tilmaamay in dalka aysan ka jirin wax dowlad ah oo Farmaajo iyo wasiirradiisu yihiin madax hore.

Hadalka Jeneraalka waxaa dhibsaday madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, waxaana fagaare uga jawaabay iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamaya ra’iisul wasaaraha iyo wasiirkiisa warfaafinta.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa mar kale shaaciyey in maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay qabanayaan banaanbax kale oo ka dhici doona isla goobtii loo diiday ee fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon.

Waxa uu sheegay in banaanbaxaasi uu fure u yahay hanaanka dimuquraadiyadda dalka iyo mida doorashooyinka Soomaaliya xiligan la joogo.

Sheekh Shariif waxuu nasiib darro ku tilmaamay in madaxda dowladda federaalka aysan weli garowshiyo ka bixin, is hor-taagii ay ku sameysay banaanbixii nabadeed ee dadka reer Muqdisho ay sameyn lahaayeen todobadkii hore, kaas oo uu sheegay in dad lagu dilay kuwo kalena ay ku dhaawaceen ciidamada dowladda.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan jirin cid ay wakiil uga yihiin banaanbaxyada ay abaabulayaan iyo dadaalka ay ugu jiraan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in golaha midowga musharaxiinta ay aad ugu mahad celinayaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo uu sheegay in khataro badan oo dhanka hoggaanka ah ay u iftiimiyeen dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here