Midowga Yurub oo soo saaray digniin la xiriirta shirka 20-ka May

nicolas berlange eu

Ururka Midowga Yurub ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan doorashooyinka dalka.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez ayaa wuxuu ku sheegay inuu muhiim yahay shirka wada-tashiga doorashooyinka ee lagu wado inuu 20-ka bishan oo beri ku beegan uu ka dhaco Muqdisho..

Nicolas Berlanga ayaa uga digay hoggaamiyeesha Soomaalida fashil horleh oo ku yimaada shirkan, sida wada-hadalladii ka dhacay Afisyoone iyo kuwii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shirkan uu yahay fursaddii ugu dambeysay, loona baahan yahay in la muujiyo tanaasul, si looga gudbo caqabadaha hareeyey doorashooyinka Somalia oo aad uga daahay waqtigii loo asteeyey, sababo la xiriira khilaafka ka jira dalka.

“Dhacdooyinkii usbuucyadii la soo dhaafay waxay muujinayaan shir-madaxeedka soo socdaa inuu yahay fursadda keliya ee hartay ee lagu muujiyo sida looga go’an yahay mustaqbalka Soomaaliya. Cidna ma ahan in ay kharibto ama ay ishortaagto heshiis,” ayuu yiri Nicolás Berlanga oo ah wakiilka Midowga Yurub ee u qaabilsan Soomaaliya.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo aysan weli magaalada Muqdisho soo gaarin madax goboleedyada dalka ee lagu casuumay shirka 20-ka May oo ay xukuumadda federaalka Soomaaliya shaaca ka qaaday inuu si rasmi ah u furmayo beri oo ah maalin Khamiis ah.

Si kastaba shalay aheyd markii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qaabilay wakiilada beesha caalamka, isaga oo ka hor ballan qaaday in uusan dib u dhici doonin shirka loo madalsan yahay ee arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here