MIDOWGA YURUB OO SOO SAARAY XEERAR SOOGALOOTIGA KA DHAN AH

qaxooti talyaaniga

Xilli ay Yurub kusoo badanayaan xisbiyada midigta fog ee soo galootiga kasoo horjeeda ayuu Midowga Yurub soo saaray xeerar lagu adkaynayo xudduudaha si aysan usoo galin muhaajiriin sharci darro ah. Soo jeedinta oo niskii dambe ee khamiista la ansixiyey ayey ku jiraan taallaabooyin adag oo ka dhan ah muhaajiriinta.

Balse dadka u dooda xuquuqda dadka qoxootiga iyo muhaajiriinta ayaa ka digay in isbedelku sii adkayn doono in ay dadka magangalyo doonka kusii adkaan doonto in ay Yurub ka helaan magangalyo amni.

Sharciga ayaa fududeynaya in dadka soogalootiga ah si fudud loo tarxiilo haddii loo arko in aysan u qalmin magangalyo ay Yurub kaga helaan ilaalin amni, waxaana sidoo kala la yareynayaa culayska soogalootiga ee saaran dalka Talyaaniga oo xilliyadii u dambeeyay ay ka taagneyd dhibaato muhaajiriin, iyaga oo si wadajir ah ay dalalka Midowga Yurub u qaadanayaan mas’uuliyadda soogalootiga ee xudduudaha dalkaas.

Heshiiska ayaa loo arkaa in uu yahay guul u soo hoyatay Raysal wasaaraha Talyaaniga ee midigta fog oo ballanqaadyadeeda ahaa in ay xakamaynayso soogalootiga ay u sahashay in xisbigeedu hanto dawladda.

Muxuu yahay xeerkan cusub?

Midowga Yurub ayaa qaadanaya habraac guud oo ay ku mideysan yihiin kaas oo la yiraahdo, Korjoogteynta Habraaca Magangelyo doonka (APR), waxaana looga baahan yahay inay dadka magangelyadoonka ah raacaan si ay u raadsadaan ilaalinta caalamiga ah.

Waxaa la dedajinayaa muddada ay qaadanayso soo afjaridda habraaca codsiyada magangalyo doonka.

Inkasta oo sharcigani adkaynayo sida ay dadku kusoo gali lahaayeen dalalka Midowga Yurub fududeynta tarxiilka kuwa loo arko in aysan xaq u lahayn qaabilaad, haddana wuxuu sharcigani qeexayaa xuquuqda dadka magangalyo doonka ah ee Yurub. Waxaa ka mid ah xuquuqdaas sida ay sheegeen Midowga Yurub ‘in qofka la siiyo adeegyada ay ka mid yihiin turjumaan, xaqa uu u leeyahay in uu helo caawinaad sharci iyo matalaad’.

Balse waxay sidoo kale sheegeen Midowga Yurub, in habraacyadani ay ka hortagi doonaan in nidaamka si khaldan loo isticmaalo, iyada oo laga hortagayo in dadku ay isku dayaan siyaabo kale oo ay ku galaan ama magangelyo kaga helaan dalalka Midowga Yurub.

Inkasta oo xeerarka cusub uu xoojinayo xeerarkii hore u jiray ee tallaabooyinka lagu heshiiyey waxaa ka mid ah in wax laga baddalay xilliga:

  • dalka xubinta ka ah Midowga Yurub ee soo galitaanka koowaad ka dhoco ayaa mas’uul ka noqon doona codsiga magangalyada muddo laba sano ah.
  • marka waddan uu rabo in uu qofka u wareejiyo dalka xubinta ka ah oo dhab ahaantii mas’uul ka ah soogalootiga oo uu qofkani baxsado (tusaale marka uu tahriibuhu dhuumanayo si uu uga baxsado wareejinta) mas’uuliyadu waxa ay u wareegaysaa dalka xubinta ka ah sadex sano kadib.
  • Haddii waddan xubin ka ah uu diido codsadaha nidaamka xudduudaha, mas’uuliyadda qofkaas waxay dhammaan doontaa 15 bilood ka dib (haddii ay dhacdo codsi dib loo cusbooneysiiyay).

Tan ayaa kusoo aadaysa iyada oo toddobaadkii tagay uu Ingiriisku soo saaray shaci cusub oo lagu xakameynayo soogalootiga.

Kharashka lagu haynayo iyo masaafurinta dadka sharcidarada ku imaanaya UK doomaha yar yar ee hoos imanaya sharciga cusub ee la qorsheeyay ayaa noqon kara lacag dhan £6bn labada sano ee soo socota, sida ay dawladda UK saadlisay.

Sharciga ka dhanka ah dadka muhaajiriinta sharcidarrada ah ayaa hadda maraya baarlamaanka.

BBC-du waxay fahansan tahay in Home Office-ku uu qiyaasayo in xarumaha dadka lagu hayo, hoygooda iyo dib-u-celintooda joogto ah ay ku qarash gareyn doonto inta u dhaxaysa £3bn iyo £6bn.

Waxay awood u siinaysaa wasiirada inay dib u celiyaan qof kasta oo si sharcidarro ah ku yimaada UK.

Muhaajiriintan waa laga mamnuuci doonaa inay magangalyo ka dalbadaan UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here