Militariga Soomaaliya: Kenya way dhadhamin doonta dhibta ay ku hayso dhulka iyo dadkeena

farmaajo tababar ciidan turksom 24072019 1

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa si kulul uga hadlay duqeymo culus oo labadii habeen ee lasoo dhaafay ay diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ka geysteen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo ee koonfurta dalka.

Khasaare nafyo iyo maaba leh ayaa ayaa lagu soo waramayaa in dad rayid rayid ah, xoolahooda iyo duur joogba ay kasoo gaaray duqeymaha diyaaradaha Kenya habeenadii lasoo dhaafay ka fuliyeen, deegaano ay ka mid yihiin, Cows-Qurun, Kaakuma, Lafa-Geri, Buusaar iyo Faxfaxdhuun oo ka wada tirsan gobolka Gedo.

Korneyl Xasan Aadan Biixi, waa saraakaal ka tirsan militeriga Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Gedo, wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye ee maagalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay duqeymo aan ka fiirsi laheyn ka fuliyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo, taasna ay ka jawaabi doonto dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka war qabto duqeymaha iyo dhibaatooyinka ay dowladda Kenya u geysaneyso shacabka Soomaaliyed, taasna lagula xisaabtami doono.

“Dowladda Soomaaliya way ogtahay mana mooga waxa dadkeeda iyo dalkeeda ku dhacaya, wayna ka jawaabi doontaa, qorshaheedana wey ku jirtaa sidii ay uga jawaabi laheyd, iska daad dadka, duunyada, iyo duur-joogta dhimanayee, dhulka burburay, maalka iyo geedaha go’aya, xisaabta ay leeyihiin Kenya way dhedhemineysaa mar aan dheereyn” ayuu yiri Korneyl Xasan Aadan oo ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Waxuu sheegay in goobaha ay beegsadeen diyaaradaha Kenya ay yihiin dhul daaqsimeed ay ku noolyihiin dad Soomaaliyeed oo reer guuraa u badan, kuwaas oo khasaare badan uu kasoo gaaray, iyaga iyo xoolahooda.

“Habeenadii lasoo dhaafay waxaa dhul balaaran oo dad, duunyo iyo duurjoog intuba ku noolyihiin beegsaday diyaaradaha Kenya, xalay oo u dambeysay deegaano ay ka mid yihii Sama-roone iyo Ciise-guul iyo dhul badan oo dhaca bariga gobolka Gedo ayey duqeeyeen, dhulkaas waxaa degan dad u badan reer guuraa waxaa ku yaalla webiyaal aad loo cabo iyo tuulooyin camiran, waxaa ku nool duur joog aad u badan, khasaaruhuna ma yara dad, xoolo iyo duur joogba waa lagu le’day” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Aadan Biixi oo ah sarkaal ka tirsan xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here