Militariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii askarta lagu laayey iyo siduu ku dhacay

astaanta ciidanka Xoogga Dalka

Militariga Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay weerar xalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye oo lagu dilay 13 askari.

“Waxaan ka tagnay Afgooye, kadibna waxaan Al-Shabaab ku weerarnay beero ku yaalla duleedka Afgooye,” waxaa sidaas yiri Major Maxamed Cali oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Waxaan dilnay afar mintidiin ah, waxaana ceyrsanay Al-Shabaab. Kadib inta badan ciidankii waa ay soo laabteen waxaana halkaas uga soo tagnay dhowr iyo labaatan askari. Kadibna fiidkii ayey Al-Shabaab soo weerareen ciidankii aan kasoo tagnay waxayna dileen 13 askari,” ayuu xaqiijiyey Major Maxamed Cali.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, iyo dhimashada ciidan ka badan kan ay dowladda qirtay.

“Waxaan dilnay 24 askari, intii kasoo hartayna waa ay baxsadeen,” waxaa sidaas yiri Cabdicasiis Abu Muscab oo ah afhayeenka howl-gallada ee Al-Shabaab, oo sidoo kale la hadlay Reuters.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in ciidanku ay ku jireen rondo ay ka sameynayeen nawaaxiga tuulada Bullalow markii weerarka lagu soo qaaday.

Askarta dhimatay waxaa ka mid ahaa Gaashaanle Dhexe Cabdalle Cali Mire oo ciidanka haystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here