Militeriga Soomaaliya oo ka hadlay howlgal ay fuliyeen Shabeellaha Dhexe

Gen Odawaa Yuusuf Raage

Milatariga Soomaaliya ayaa maalintii lixaad hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo sheegay intii hawlgalku socday inay dileen tobannaan ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ay qabsadeen dhawr iyo toban tuulo oo markii hore ay gacanta ku hayeen kooxaha dawladda ka soo horjeeda.

Dagaalka waxa hogaaminaya taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage.

Dawladda ayaa rumeysan in dagaalyahannadii Al-Shabaab ee laga saaray inta badan gobolka Shabeellada Hoose ay u wareegeen gobolka Shabeellada Dhexe iyagoo kordhiyay weerarrada ay ka fulinayaan gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here