Militeriga Soomaaliya oo sheegtay inay dileen Shabaab badan oo horjoogeyaal ku jiraan

ciidamada somalia

Dowladda federaalka ayaa war ka soo saartay howlgal ay ciidamada xoogga dalku ka fuliyeen deegaanada Baarsanguuni iyo Kaban oo hoos taga dagmada Jamaame ee gobalka Jubbada Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay 15 nin oo iskugu hiray amiirro iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab, halka dhaawacana lagu sheegay sided kale.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu yimid kadib markii taliska guutada 11-aad qeybta 43-aad Militeriga Soomaaliya ay ka war heleen weerarro uga soo wajahnaa Al-Shabaab, kadibna sidaas ay ku weerareen goobo ay isku urursanayeen.

Weerarka ay qorsheeyanayeen Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu ku wajahnaa saldhig ay ciidamada xooggu ku leeyihiin degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu sheegay warka caawa ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Akhriso war-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here