Millateriga Itoobiya oo sheegay inay dileen kumanaan Jamhada Tigray-da

ethiopian army armor

Millateriga waddanka Itoobiya ayaa ku andacooday in dagaalkii 10-ka bilood ka socday waqooyiga dalkaasi ay ku dileen in ka badan 5,600 oo ka tirsan ciidammada fallaagada Tigray-da.

Colaaddaas ay dadka badan ayaa waxa ay dalkaasi ka taagneyd tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii tegay, hasayeeshee bayaanka uu soo saaray janaraalka sare ee Bacha Debele ayaanan sheegin waqti cayin oo dadkaasi lagu laalay.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in tiradaasi laga soo minguuriyay dagaalladii ugu dambeeyay.

Jeneraalka ayaa sheegay in sidoo kale 2,300 jabhaddaas ahi ay ku dhaawacmeen, halka ay nolol ku qabteen ku dhawaad lab kun.

Milyimaad shacab ah ayaa waajahaya macalluul uu khilaafkani sababay sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Jen, Debele, ayaa ku eedeeyey jabhadda TPLF Nin ay isku deyeyeen in ay kala gooyaan dalkaasi, xilli kooxduna weerarraro ka geysatay gobollada deriska la ah ee Amharada iyo Canfarta.

Illaa hadda se ma jirto wax jawaab ah o arrintan ku saabsan o ka timi dhanka TPLF.

Dagaalkan ayaa bilaabmay sannadkii tegay kaddib bilo dawladu raysalwasaare Abiy ku eedaynaysay jabhadda TPLF in ay isku dayeen oo weerareen goobo millatari oo ku yaal halkaas.

Isagoo Abiy halkaa ciidammo u diray si ay meesha uga tuuraan dawladii gobolkaas.

Waxaa la rumaysan yahay in dagaalkaasi ay ku dhinten kumannaan qof halka ay milyamaad kalena ku barakaceen, oo qaarkood u yaaceen dhankaa iyo Suudaan.

Waxaana haayadaha u dooda xuquuqda aadamaha labada dhinacba ku eedeeyeen xasuuq, uu ka mid kufsi iyo laynta shacab aa waxba galabsan.

line

Caqabad aad u daran

Kalkidan Yibeltal, Weriyaha BBC ee Ethiopia

Tirada ay sheegeen ciidammadu waa ay badan tahay, waana ay adag tahay in si madax bannaan loo xaqiijiyo.

Laakiin hal mid ayaa la isu raacsan yahay, in dagaalkani ka tegay cawaaqib daran, tobankii bilood ee uu socday.

Jeneraal Bacha, ma uu bixin wakhti cayiman xilliyadii ay waxani dhaceen. TPLF se waxa ay kal hore gacmaha dowladda dib ugala wareegtay June gacan ku haynta Tigray, iyaga oo xilligaas fiditaan ku sameeyey gobollada deriska ah ee Amxaarada iyo Canfarta.

Labadii Toddobaad ee u danbeeyay dowladdu waxay u muuqatay in ay baacisay kana qabsatay meelo muhiim ah.

line

10-kii Juun, Qaramada Midoobay ayaa waxa ay xaaladda waqooyiga Itoobiya ku tilmaantay inay macaluul tahay.

Daraasad ay Qaramada Midoobay baritaaraysay ayaa waxaa lagu ogaaday in 350,000 oo qof oo ku sugan gobolka Tigray ee uu dagaalka ka socdo ay ku nool yihiin “dhibaato wayn”.

Sida lagu sheegay bayaanka, xaaladda cuntada ee gobolkaasi ayaa gaartay heer “musiibo ah”, taas oo caddaynaysa gaajada iyo dhimashada saamaynaysa dadka yar ay ku sii fidayso dhul ballaaran.

Maalmihii u danbeeyey waxa ay dawladda dhexe ku eedeeyeen in ay is hor taagayso gaaadiidka gargaarka, ee gobolka.

Halka ay dawladu sheegtay in 500 oo gaadhi ay gaadheen, sida oo kalena labadii maalmood ee u danbeeyey oo keliya ay tageen 156 gaadhi.

Ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijin karta. Waxaase UN ku andacoonaysaa in aan hal gaadhina soo gaadhin tan iyo August, halkaas oo maalinkiiba loo baahna 100 gaadhi oo wada gargaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here