Munaasibado Axankii Kulmiye iyo Walqasha Waddani oo Hargeysa ka socda

0
faratoon iyo khaliif

Waxaa magaalada Hargeysa waxaa ka socda munaasibado lagu soo dhoweynayo guusha uu Xisbiga Waddani ka soo hooyey doorashooyinkii degaanka iyo baarlamaanka Somaliland, kuwaas oo ay ugu dambeysay inay Xisbiga Kulmiye kaga guuleystaan gudoonka Golaha Wakiiladda, kadib markii Gudoomiye Cabdi Risaaq Khaliif uu afka ciida u daray duq Yaasiin Faratoon.

MADAXTOOYADDA SOMALILAND

Madaxweyne muuse biixi aftaag

Dhanka kale taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa dareensan inoo gabalkoodii dhacay, islamarkaana uu Madaxweyne Muuse Biixi ku fashilmay wixii shacabka Somaliland ka sugayeen, taasoo ay u cadaatay inay FARTOODII EEDEEN.

Shacabka ayaa ka rajo-dhigsan inay hogaamin fiican ka sugan Madaxtooyada Somaliland, taasoo hadalhaynteeda ugu badani isu bedeshay BERIGII QAAXO, GOWLALAALE, XASHIN IYO DAGAALKII FAQASHTA.

SAXAAFADA SOMALILAND

Saxaafada iyo xoriyada hadalka oo ka mid ahaa waxyaabihii ay Somaliland ku faani jirtay, ayaa iminka meel quus ah maraya, waxaa loo xilsaaray mid ka mida askartii ugu dambeysay ee iyagoo kuuliyadii saraakiisha Jaalle Siyaad ku jira dagaalkii Hargeysa loo soo qaaday, kaas oo ku indho-dilaacsaday bililiqadii iyo dhaqan xumadii degaamadaas ka dhacday, hadaad Madaxweyne Muuse Biixi soo hadal qaado wuxuu u yaqaan dembi weyn, hadaad ilaahay iyo nebi Maxamed NNKH aflagaadayso wuxuu u yaqaan Dimoqraadiyad, ma jiraan maxkamado qofku cadaalad u doonto.

GUMEYSIGA SOMALILAND KA JIRA

khaatumo vs sl

Labo gumeysi ayaa Somaliland ka jira, mid Beesha Isaaq ee u soo dagaalantay burburintii Soomaaliya ayaa xoog ku haysata Beelaha kale.

Kan labaad waa AQOONSIGA IYO GOONI-ISUTAAGA oo xoog ku gumeystay Beesha Isaaq, taasoo ku kaliftay in meeshii uu la maro ay u dabo kacaan.

FARTOODII WAA EEDEEN

cirro8

Waxay u muuqataa in dadkii doortay Madaxweyne Muuse Biixi ay faroodii eedeen, hogaaminta Xisbiga Kulmiyena aanay isaga ka dambeyn doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here