Muqdisho: Ciidamada Booliiska oo rag hubeysan dhaawacay kadibna qabtay

ciidamada onkod 1

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta labo nin oo hubeysnaa ay ku dhaawaceen aagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in raggaasi oo watay gaari nooca raaxada ah ay ka biyo-diideen inay ka soo dagaan baabuurka, kadibna ciidamadu ay ku rasaaseeyeen.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in iyaga oo dhaawac ah markii dambe ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ee jooga halkaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo ayaa laga soo xiganayaa in raggaasi ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda, laakiin waxaa la filayaa in warbaahinta ay la hadlaan saraakiisha amniga, si ay uga warbixiyaan dhacdadaasi.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii ciidamada dowladda rag hubeysnaa ay ku toogteen gudaha suuqa Bakaaraha, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here