MUQDISHO: QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY SALDHIG CIIDAMADA SOOMAALIYA

qarax muqdisho 2272019

Qarax ismaadin ah ayaa ka dhacay saldhig militeriga Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaas ku dhintay hal askari halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen.

Xeradan ayaa ku taalla degmada Wadajir, waxaana lagu magacaaba Nanac oo lagu tababaro ciidamada.

Warbaahinta gudaha ayaa kusoo warrameysaa in khasaare badan uu ka dhashay weerarka.

Qofka qaraxa ismaadinta geystay ayaa iska dhigayay askari xilli uu gudaha u galay saldhigga militeri oo ay ka socotay shaqo qoris ciidan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay gobollada Hiiraan iyo Galgudud ka socday howlgal militeri oo deegaanadaas looga saarayo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here