Muqdisho: Qarax ka dhacay Afaafka hore ee maqaayadda The Village

qarax-muqdisho isgoys jubba 2282015 8

Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax xooggan oo  ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay Afaafka hore ee maqaaxida The Village, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari yar oo Nooca Raaxada ah kaasoo horyaala maqaaxida. Wararka ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Ilaa hadda lama oga cidda sida gaarka ah loo bartilmaameedsanayey.

Gaariga qaray, ayaa saameeyay gawaari kale oo u dhaweyd, taasoo keentay in mar kaliya Uuro ay cirka is qabsato.

Ciidamada amaanka ayaa tagay goobta, iyagoo wada baaritaano la xiriirta sida ay wax u dheceen, waxeyna xireen wadada gasha Maqaaxida.

The Village dhowr jeer oo hore waxaa horteeda uga dhacay qarax kan la mid ah, waana meel dadku ay tagaan waxa ka danbeeyay Casarkii, iyadoo ay ku dhowyihiin dhismooyinka PIZZA House iyo Maqaaxida kale ee Bosh.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.