Muran iyo khilaaf xoogan ka taagan Dawladda hoose ee Laascaanood

lasanod

Muran iyo khilaaf xoogan ayaa beryihii ugu dambeeyey ka taagnaa Dawladda hoose ee degmada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyey Duqa degmada Laascaanood C/Casiis Xuseen Maxamed iyo Agaasimada Waaxda Dhulka Maxamed Nuur Bileys.

Agaasime Nuur Bileys ayaa Duqa Laascaanood iyo xubno degaanka ka tirsan ku eedeeyey bixinta dhul wadooyin iyo dan guud ah, sidoo kale diidmada sharciyeynta dhul dad lahaa oo laga habsaday oo la doonayo in sharci labaad loo sameeyo, iyadoo waqtiga laga dhigayo xiligii kacaanka, Duqa Magaaladuna uu agaasimaha ku eedeeyey shaqo gudasho la’aan, isagoo soo qoray qoraal kooban oo uu shaqda kaga ruqsaynayo.

Maamulka Magaalada Laascaanood ayaa shacabka degaanka ka muujinayaan cabasho xoogan, iyagoo ka rajo dhigay in xukuumada Somaliland ay wax ka bedesho dhibaatooyinka degaanka ka taagan ee muranka dhulka u badan.

DAAWO QORAALKII MAAYERKA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here