Musharax Madaxweyne Joe Biden oo xil u magacaabay Muwaadin Soomaali ah

maxamed boosaaso

Xafiiska ololaha doorashada ee musharraxa xisbiga dimuqraadiga ee Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa xil muhiim ah u magacaabay Muwaadin asalkiisu Soomaali yahay balse heesta dhalashada dalka Mareykanka.

Maxamed Salaad Maxamuud (Maxamed Boosaaso) ayaa loo magacaabay in uu noqdo isku duwaha xafiiska ee ololaha doorashada u qaabilsan Dadka ka soo jeeda Bariga Afrika, waxa uuna ninkan Soomaaliga ah kaalin weyn ka qaadan doonaa olalaha Joe Biden.

Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden, ayaa Maxamed Boosaaso u idmaday in uu usoo raadiyo codka dadka asal ahaan kasoo jeeda Bariga Afrika ee kunool Mareykanka si uu ugu guuleesto doorashada uu la galayo Donald Trump.

“(Waxaa la ii magacaabay) in aan isku duwe u noqdo dadka Bariga Afrika ee ku nool Mareykanka, maadama ay doorasho socoto, si codkooda hal meel uu u wado aado; haddey yihiin Soomaali, haddey yihiin Itoobiyaan, haddey Jibuutiyaan, Kenyan, Ugandans, qof kasta oo Bariga Afrika ka yimid”. ayuu yiri Maxamed Boosaaso.

Waxa uu sheegay Maxamed Boosaaso in mudo 10-sano kasoo mid ahaa xisbiga Dimuquraadiga , waxa uuna tilmaamay in uu kasoo mid noqday ergada Xisbiga ilaa heer gobol.

Doorashada Madaxtinimada dalka Mareykanka ayaa waxaa ku tartamaya labada Xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga, waxaana Soomaalida kunool Mareykanka inta badan taageersan yihiin Xisbiga Dimuquraadiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here