Musharaxiinta Haweenka ee BF oo aad uga welwelsan lacagta badan, Madaxweynahana ka dalbanaya dib-u-eegis

doorasho soomaaliya

Xubnaha Haweenka ah ee doonaya inay isu taagaan musharaxnimada Xildhibaannimada Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa soo foodsaartay culeys iyo welwel balaaran oo ka soo wajahay lacagta faraha badan ee lagu soo ragay xubnaha doonaya inay isu sharaxaan Xildhibaanimada.

haweenka Soomaaliyeed oo burburkii dalku aad u saameeyey, islamarkaana mudadii 30 sano ahayd ay saarneyd masuuliyada iyo nolosha qoysku, loona baahnaa in lagu dhiirigeliyo inay talada dalka ku soo biiraan, ayaa waxaa hadda qabad ku noqonaya lacagta badan ee laga rabo musharaxa Xildhibaan, taas oo aanay awoodi karin, kuna khasbaysa in kursi walba ay isu soo taagto haween tiro yar, kuwaas oo u badnaan doona xubnihii horey baarlamaanka ugu jiray iyo tiro yar oo kale.

Waxaan ogaanay in 80% xubnihii u hanqal-taagayey tartanka Baarlamaanka ay hadda quus joogaan, musharaxiin xaysimo.com u xog waramay ayaa muujiyey sida ay uga xumaadeen lacagta faraha badan, iyagoo sheegay inay cabashadooda u gudbiyeen Madaxweynaha Qaranka Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayna ka rajo qabaan inuu wax ka qabto.

Mar aan weydiinay siday ku haboonaan lahayd, waxay soo dhoweeyeen in haweenkii horey xildhibaanka u soo noqday laga qaado qiimaha ragga, balse musharaxiinta cusub ee kootada haweenka qiimaha hoos loo dhigo, taasoo noqonaysa dhiirigelin balaaran, tusaale ahaan, haddii musharaxa cusub ee kootada haweenka laga dhigi lahaa 3000 oo dollar, kursi walba waxaa ku tartami lahaa ugu yaraan 20 haween ah oo isku degaan doorasho, haddiise sidan doorashada lagu galo kursi walba labo haween ka badani kuma tartami karto waayo dhaqaalaha ayaan u ogolaanayn.

Sikastaba haween badan oo musharaxiin ah ayaa naawilaya, inuu Madaxweynaha Soomaaliya dib u fiiriyo lacagta, si haween badani u helaan fursad ay ku tartami karaan, si loo helo dhiig cusub oo dalka wax ku soo kordhiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here