Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo baaq ka soo saareen doorashada

odawaa isbahaysi

Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ee xulafada ah C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, C/llaahi Faarax Wehliye iyo Kamaal Daahir Gutaale ayaa soo saaray baaq ku saabsan mowqifkooda ku aadan hannaanka doorashada Madaxweynaha.

Baaqa ay soo saareen oo ka koobnaa 6 qodob ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdeen tallaabooyinkii iyo geeddi socodka arrimaha doorashooyinka, iyadoo ay bannaanka u soo baxeen xadgudubyo lagula kacay Odayaasha dhaqanka Galmudug, ayna jirtay wax is daba marin la xiriira hannaankii loo soo xulay Xildhibaannada, dhinac u janjeerka Guddiga Farsamada iyo Guddigii Baarlamaaniga ahaa ee maamulay doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka ee dhacday 17-kii bishan Janaayo ee shalay, iyo faragelinta muuqata ee ka imaaneysa Madaxda dowladda Federaalka oo masiirka Galmudug ku jaangooyay rabitaankooda iyo sidii ay u soo saari lahaayeen Musharaxiin ay wataan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Dhuusamareeb la dhigay jidoogooyin lagu xanibayo  isu socodka taageerayaasha iyo ololayaasha Musharaxiinta iyo dhibaatooyin lagala kulmo qabashada kulamada ololaha doorashada taasoo loo adeegsanayo ciidamada ammaanka.

Musharaxiinta ayaa sheegay in haddii sida ay wax u socdaan waxba laga bedelin xanibaadda iyo is hor-taagga Xildhibaanada lagu sameynayo inay arkaan Musharaxiinta si xor ah, waxaa adkaaneysa in aanay marqaati beenaale ka noqdaan doorasho ku shubasho ah oo aan reer Galmudug u hosaasino, dhismaha maamul gacan ku rimis ah oo aan ka turjumeyn hankooda.

Waxaa ay ku baaqeen in la joojiyo handadaada iyo xanibaada Xildhibaanada, lana siiyo fursad, sidoo kale waxay ku baaqeen in la joojiyo waqti dedejinta doorashada lana siiyo Xildhibaanada muddo 21 maalmood, si ay ula kulmaan si xor ahna una kala bartaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Halkan hoose ka akhriso Baaqa:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here