Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Gudoomiye Max’ed Nuur Gacal (Sawirro)

gacal iyo musharaxiinta mweynaha galmudug1

Musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Galmudug intooda badan ayaa galabta magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay gudoomiyaha cusub ee baarlamanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal oo shalay xilkaas loo doortay.

Musharaxiinta kulankan ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa C/raxmaan Odowaa, Kamal Guutaale iyo xubno kale

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sida ugu haboon ee ay qabsoomi karto doorashada Madaxweynaha Galmudug ee dhowaan la filayo iney ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa u balan-qaaday musharaxiinta in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay u dhici doonto cadaalad ah oo hufan, uuna magacaabi doono guddiga qaban-qaabada doorashada, isagoo ka codsaday iney ku kalsoonaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here