Musharaxiinta xilka Guddoonka Baarlamaanka oo maanta khudbadahooda la dhageysanayo

baarlamaanka galmudug.

Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta oo Khamiis ah la dhageysan doonaa khudbado ay u jeedin doonaan Xildhibaannada, si Musharax walba u soo bandhigo waxqabadkiisa.

Saddex Musharax ayaa u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, waxaana tartanka kursigaas uu yahay mid aad u adag, oo maalmihii la soo dhaafay la dareemayay loolanka loogu jiro.

Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kala ah Dr. Maxamed Nuur Gacal oo Xukuumaddihii horay u soo maray dalka ka soo noqday Wasiiru dowle, C/naasir Aadan Cusmaan iyo C/llaahi Axmed Calasow Shiine.

Loolanka loogu jiro Kursiga Baarlamaanka ayaa ka duwan kuwii hore, maadaama saddexda musharax aanay isku beel aheyn oo ay ka soo jeedaan deegaanada Ceelbuur iyo Ceeldheere, halka sanadkii 2015 markii la dhisayay Galmudug xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ay isku soo sharaxeen oo kaliya Musharaxiin ka soo jeeda Ceelbuur.

Dhinaca kale Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo 2aad ayaa waxaa u taagan illaa afar musharax, waxaana marka loo eego loolanka loogu jiro labadan xil aanu aheyn mid adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here