Muslimiinta Shiinaha ee Uighur oo lagu qasbayo in aysan carruur badan dhalin

Muslimiinta Uighur china2

Shiinaha ayaa ku khasbaya dumarka ka tirsan qowmiyadda muslimiinta ee Uighur in ilmaha ay iska soo xaaqaan ama in la siiyo waxyaabo ka hortaggayo in uur ay qaadaan si loo yareeyo tirada bulshada muslimiinta, sida laga soo xigtay daraasad cusub oo dhawaan soo baxday.

Warbixintan oo uu qoray aqoon yahan u dhashay Shiinaha oo lagu magacaabo Adrian Zenz, waxaa ka dhashay baaqyo caalami ah oo lagu baaqayo in Qaramada Midoobey ay baaritaan ku sameyso arrintaas.

Shiinaha wuxuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay wuxuuna ku tilmaamay “kuwo aan sal iyo sal raad laheyn”.

Dowladda Shiinaha ayaa dhalleecen kala kulantay caalamka kaddib markii la sheegay in xeryo uu ku hayo muslimiinta Uighur.

Waxaana la rumeysan yahay in ku dhawaad hal malyan oo qof oo ka tirsan muslimiinta Uighur iyo dadka kale ee laga tirada badan yahay in Shiinaha uu ku xir-xiray xeryo, waana howlgal uu Shiinaha ugu yeeray ‘xeryaha dhaqan celinta’.

Maamulka Beijing wuxuu horey u diiday in xeryaha uu ku hayo muslimiinta Uighur la booqdo ka hor inta uusan sheegin in howgalka uu yahay mid looga soo horjeedo kooxaha argagixisada kaddib qalalaase ay gobolka Xinjiang ka wadeen kooxo gooni u goosad ah.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay Shiinaha “in si degdeg ah uu u joojiyo howlgallada guracan ee ka dhanka ah bulshada Uighur-ka.

Wuxuu ugu baaqay dhamaan waddamada kale ee caalamka inay ku soo biiraan dadaallada Mareykanka uu ku doonayo in lagu joojiyo tacaddiyadan.

Baaritaan ay BBC sameysay sannadkii 2019-kii, waxaa lagu ogaaday in waaliddiinta muslimiinta Uighur-ka laga qaato carrurtooda.

Maxaa ku xusan warbixinta?

Warbixinta uu soo saaray aqoonyahanka u dhashay Shiinaha wuxuu ku saleeyay macluumaad, dukumintiyo, iyo wareysiyo uu la yeeshay dumarka ka tirsan qowmiyadda Uighur ee ku nool gobolka Xinjiang.

Warbixinta waxay ku eedeysay dowladda in dumarka ka tirsan muslimiinta Uighur iyo dad kale ee laga tiro badan yahay ee lagu hayo xeryaha loo hanjabay ka dib markii ay diideen in ay iska soo xaaqaan ilmaha uurkooda ku jira.

Warbixinta waxay sidoo kale sheegeysaa in haweenka heysta labo carruur ah ama ka yar in si khasab ah loogu rakibay qalab ka hortaggayo in uur ay qaadaan halka qaar kalena lagu khasbay in ay qaataan dawooyinka ilmaha la isaga soo xaaqo.

Sida laga soo xigtay warbixinta Adrian Zenz, tirada dadka ku nool gobolka Xinjiang ayaa hoos u dhacday sannadihii u dambeeyay, halka tirada dadka ka tirsan qowmiyadda Uighur ay hoos u dhacadya boqolkiiba 84% intii u dhexeeysay 2015-kii iyo 2018-kii.

“Waxaa hoos u dhacay tirada dadka gobolkan ugu wacan, tacaddiyada aan horey loo arag ee lagu hayo ayaa sabab u ah,” ayuu yiri Mr Zenz.

“Waxay arrintan ka mid tahay howlgallada ballaaran ee lagu caburinayo bulshada Uighur”.

Dad horey ugu xirnaa xeryaha ku yaalla gobolka Xinjiang ayaa sheegay in lagu duray dawooyin lagu joojinayo dhiigga caadada.

“Waxay u muuqataa in mas’uuliyiinta Xinjiang ay wadaan tallaabooyin dumarka heysta saddex carruur iyo wixii ka badanba looga soo xaaqayo ilmaha uurkooda ku jira.

Siyaasiyiin ka codsaday Qaramada Midoobey ay baaritaan sameyso

Xildhibaanada ka tirsan garabka isbaheysiga ah ee arrimaha baarlamaaniga Shiinaha iyo siyaasiyiin caan ah sida Marco Rubio oo ka tirsan Aqalka Senetka Mareykanka, Iain Duncan Smith iyo Baroness Helena Kennedy QC, waxay dhammaantood ku baaqeen in Qaramada Midoobey ay ku dhaqaaqdo baaritaan hufan oo madax banaan si wax looga ogaado xaaladda gobolka Xinjiang ee Shiinaha.

“Dunida kama aamusi karto tacaddiyada ka socda halkaas, dalalkeena waxaa ka saaran waajib in laga hortago tacddiyada isla markaana la hor istaago dhibaato kasta oo lagu hayo qowmiyad, ama qabiil ama kooxaha aaminsan diimaha,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen siyaasiyiinta.

Xasuuqa

Sida laga soo xigtay warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee AP Isniintii, waxaa lagu sheegay in dumarka ku nool gobolka Xinjiang ay la kulmayaan ganaax xooggan waa haddii ay iska dhaga tiraan xeerarka lagu yareynayo dhalmada.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Shiinaha waxay sheegtay in eedeymahan ay ka dambeeyaan warbaahinta isla markaana ay been yihiin.

Warbixinta uu soo saaray Zenz ayaa sheegaysa in howlagallada ka dhanka ah dadka laga tiro badan yahay in ay dhalaan carruur badan “uu yahay olole looga soo horjeedo bulshada Uighur ayna tahay arrin xasuuq ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here