MUUSOW Midnimo Somaliland baad doonaysaa Biyihii Laascaanoodna dhiig-miirato ayaad ku wareejisay

0
Farmaajo iyo muuse

WAA TALAABO CUSUB IN DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA AY MARKII UGU HOREYSAY SI QAYAXAN UGU DHAWAAQDO IN DEGAAMADA SSC TAAGEERSAN YIHIIN MIDNIMADDA SOOMAALIYEED, SOMALILANDNA KU TILMAANTO GOONI-U-GOOSATO, goaankaas shacabka SSC mudo dheer ayey Soomaalida ka sugayeen, balse intaas oo keli ahi ma ilowsiin doonto hiil la,aantii iyo dhabar jebintii Puntland iyo Dawladda Federaal, sidoo kale sharaf dhacii, dhaqan xumadii iyo Ismaahintii ay hogaamiyeyaasha Somaliland 28 sano kula kacayeen caruurtii Daraawiishta, haddana ma noqonayaan dad deg dega oo caadifadi qaado, dhinacyada is hayaana ay si fudud uga faaiideystaan, maadaama aan garabna wanaag u falin.

Waxaa mahad iyo sharaf mudan in Isimadda Sool, Sanaag iyo Cayn ay dib u bilaabaan inay baahiyaan dareenka iyo rabitaanka dadkooda, iyagoo la jaan qaadaya isbedeladda cusub.

Waxaa Ayaan-darro ah in Madaxweyne Muuse Biixi uu biyihii yaraa ee uu isna balanqaaday, deeq-bixiyeyaashuna ay mucaamida ugu deeqeen shacabka danyarta ah ee Reer Sool, uu ku wareejiyo koox dhiig-miirato ah oo lacag raadin mooyee aan naxariis lahayn.

Horey ayaa shacabka Laascaanood u arkeen arxan-daradda koox adeeg gaar u yeelata oo dawlad ilaalinaysaa jirin iyo siday shacabka ula dhaqmaan.

WAXAA TURUB WADA CIYAARAY NIN REER BAADIYE AH IYO NIN SEERI-CELIYE AH, NINKII REER BAADIYAHA AHAA AYAA NINKII SEERA-CELIYAHA AHAA, XABADA RAANIDA LA YIRAAHDO RAANI KALE KAGA QAADAY, NINKII SEERA-CELIYAHA AHAA BAA REER BAADIYIHII KU JIDHI “GEELAAGUNA SEERUHUU DAAQAA, RAANINA RAANI BAAD KU QAADAYSAA”

Waxaa arintan la mid ah, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu dagaal kula jiraa midnimaddii Soomaaliya iyo gooni-isutaagii Somaliland, wuxuu afka ka leeyahay waxaan rabaa midnimadda shacabka Somaliland iyo taageeradiisa, haddana shacabkii danyarta ahaa ee Reer Sool rajaddii keliya ee ay ka qabeen inay helaan biyo jaban oo Dawladi u maamusho ayuu god ku riday, isagoo dhaqaalihii shacabka kusii naaxiyey koox yar, taageeradooda iyo midnimadoodana waa sugayaa.

NIN BAA YIDHI “HASHU MAANKAYGII GADAYE MA MIINSAAR BAY LIQDAY” MARKAA MADAXWEYNUHU SOMALILANDTA UU MIDNIMADEEDA IYO TAAGEERADOODA DOONAYAA MA BEESHA ISAAQ KELIYAA?

Madaxweyne, waxaa fiicnaan lahayd in shacabka SSC oo muddo badan culeys ciidan dulsaarnaa ay biyo jaban oo shacabku leeyahay, dawladuna u maamusho ay noqdaan asaarta waxqabad ee Somaliland.

WAXAA XUSUUSIN MUDAN IN SHACABKA SOOL, SANAAG IYO CAYN AY OGAADAAN INUU SOO DHOWAADAY WAQTIGII AY SUGAYEEN EE SOMALILAND U BAAHNAYD TAAGEERADOODA, WAANA WAAJIB QOF WALBA SIDII IDIINKU LISAY INAAD UGU HAMBEYSAAN, HALKA SOOMAALIYA KA KALA GOAYSAANA HARGEYSA, BURCO IYO BOORAME MAAHA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here