Muxammad oo ka mid noqday magacyada ugu badan ee loo bixiyo carruurta ku dhalaneysay UK

mo farah

Magaca Muhammad (oo sidan u qoran) ayaa noqday midka shanaad ee loo bixiyo carruurta ku dhalata Britain, sannadkii 2020. Waxaa sidaas lagu sheegay warbixin Isniintii ka soo baxday Xafiiska Tirakoobka Qaran ee UK.

Marka magaca Maxamed loo qoro Mohammed iyo Mohammad, ayaa sidoo kale ka mid noqday 100-ka magac ee ugu badan ee loo bixiyo carruurta ku dhalaneysa UK. Labadan qaab ayaa kala ah kaalmaha 32 iyo 74 – in kastoo labadaba ay la mid yihiin Muhammad, balse qaab qoraalka ay ku kala duwan yihiin.

Sidoo kale Nuux, ayaa noqday magaca afaraad ee ugu badan, kaas oo loo bixiyo wiilasha yaryar ee dhasha.

Laba magac oo kale oo Muslimiinta ay baxsadaan – Ibraahim iyo Yusuf – ayaa sidoo kale ka mid ah 100-ka magaca ee ugu badan ee loo bixiyay carruurta.

Dhammaan seddaxda qaab ee loo qoro magaca Nabi Maxamed (CSW) iyo Yusuf iyo Ibraahim, ayaa si wayn caan uga sii noqonayay Britain, tan iyo 1996, sida ku xusan xogta ONS.

Muslimiinta oo u qeybsan bulshooyiin iyo qowmiyadaha kala duwan, waxay Maxamed u qoraan qaabab kala duwan, balse waa isku mid waana magaca loogu jecel yahay.

Waxaa suuragal ah in uu yahay mid ka caansan yahay sida ay u qiimeysay ONS, balse qoraallada kala duwan ayaa keenay in ay muuqan waydo heerka ugu sarreysa ee magacaas uu gaari karo.

Magacyada ugu sarreeya ee carruurta loo bixiyo - Wiilal iyo gabdhaba
Qoraalka sawirka,Magacyada ugu sarreeya ee carruurta loo bixiyo – Wiilal iyo gabdhaba

Magacyada kale ee caanka ah ee loo bixiyo wiilasha ku dhalanaya UK waxaa ka mid ah George, Oliver, iyo Arthur.

Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu sheegay in hooyooyiinka da’da yar ay doortaan magacyada casriga ah ee la soo gaabiyay, marka la barbardhigo hooyooyiinka ka wayn 35 sano.

Labada magac ee loogu baxsashada badan yahay waxay kala yihiin Olivia iyo Oliver, sida ku cad xogta Waaxda Tirakoobka Britain. Magacyadan ayaa sannadkii shanaad soo galaya shanta kaalin ee ugu sareysa.

Labada Magaca ee Arthur iyo Nuux ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay si wayn sare ugu soo kacay, waxayna soo gaareen meelaha ugu sarreeya. Waxaa jirtay xilli ay ka sii hooseeyeen kaalinta 200.

Muhammad wuxuu caan ka yahay illaa afar gobol oo ka tirsan UK.

Siân Bradford, oo ka tirsan ONS, waxay sheegtay in dhaqamada iyo dadka caanka ah ay kaalin wayn ku leeyihiin magacaabidda carruurta.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here