Muxuu Faarax Macallin ka yiri go’aankii ay DF Somalia ku ceyrisay safiirka Kenya?

faarax macalin

Gudoomiye ku-xigeynkii hore ee baarlamanka Kenya, Faarax Macallin ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisada ka dhex aloosan dowladda Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo keentay in dowladda federaalka ay dalka ka cayriso safiirka Nairobi.

Faarax Macallin ayaa ugu horeyntii qiray in dowladda Kenya ay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, midaasi oo uu sheegay inay ka hor imaaneyso qawaaniinta caalamiga ah ee dalalka deriska ah.

Waxa kale oo uu garab istaag u muujiyey go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ay dalka kaga cayrisay safiirka Kenya, isla markaana ay ugu yeeratay safiirkeedii, kadib markii ay shaacisay inay tabashooyin dhowr ah ka qabto xukuumadda Nairobi.

“Inay Soomaalidii maanta go’aan gaarto oo ay tiri yeysan nasoo fara-gelin (Kenya), ma aha wax la yaab leh oo waa wax uu wadan kasta sameyn lahaa” ayuu yiri Faarax Macallin oo wareysi siinayey idaacada VOA.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in fara-gelinta Kenya ay inbadan soo jiitameysay, iyada oo si badheedh ah ugu gaftay qaranimada dalkeena.

Faarax ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowlada Itoobiya ay iyada laftigeedu ay sameysay xad-gudubyo ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya, isaga oo eedeyntaasi la xiriiriyey xukuumaddii ka horeysay Abiy Axmed.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay xukuumadda Nairobi u adeegsato fulinta danaheeda guracan, taasi oo qeyb ka noqoneysa faro-gelinta uu sheegay inay Nairobi ku hayso xukuumadda Muqdisho.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Axadii dalka ka ceyrisay safiirkii dowladda Kenya, iyadoo ku amartay inuu dalkiisa ku laabto, Sidoo kale waxay u yeeratay safiirkeeda ka jooga Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubbaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si bareer ah u faragelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay Axadii soo saartay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here