Muxuu Imaaraadka Carabta u diiday codsigii Talyaaniga ee caawintii sii daynta Silvia Romano?

Silvia Constanca Romano6

Warbaahinta Talyaaniga ayaa werisay in ka hor intii dowladda Talyaaniga aanay la xiriirin Turkiga ay Imaaraadka Carabta weydiisatay inay gacan ka siiso sidii Silvia Romano looga sii dayn lahaa gacanta kooxda Al-Shabaab.

Sida uu weriyey bogga Varese Press, Imaaraadka Carabta ayaa Talyaaniga ku xiray shuruud ah inuu wax ka beddelo siyaasaddiisa dalka Libya, si Imaaraadka uga gacan siiyo sii daynta Silvia Romano.

Talyaaniga ayaa taageersan dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay, si la mid ah dalalka Turkiga iyo Qatar, halka Imaaraadka Carabta ay taageeraan dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Xaftar.

“Dalkeena wuu diiday dalabkii Imaaraadka Carabta, wuxuuna kadib u weecday Turkiga,” ayaa lagu yiri warbixinta. Turkiga ayaa saameyn weyn ku leh Soomaaliya, waxaana ku yaalla safaaradda ugu weyn ee caalamka uu ku leeyahay iyo saldhig ciidan.

Turkiga ayaa sidoo kale dalbaday in Talyaaniga ay wax ka beddelaaan siyaasaddooda mayalka adag ee ku wajahan madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, oo mar kasta ay dhallleeceeyaan, taasi oo ay ogolaadeen, waxaana muuqata in labada shardi ee Imaaraadka iyo Turkiga, ay Talyaaniga u fududaatay tan Turkiga.

Sida warbixinta ay tiri, sirdoonka Turkiga ayaa markaas kadib ayaga oo ay wehliyaan Qatar soo faro-geliyey kiiska Silvia Romano, waxaana kadib la galay wada-xaajood ugu dambeyn horseeday sii daynta Silvia.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in sirdoonka Talyaaniga aysan wax shaqo ah oo muuqata oo badan ka qaban sii daynta Silvia, maadaama saameyntii ay ku lahaayeen Geeska Afrika, oo mar aad u xooganeyd ay hadda meesha ka baxday. shaqada xoogeeda ayaa waxaa qabtay Turkiga iyo Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here