Muxuu Shiinaha diyaar ugu yahay inuu dunida ka difaaco?

Zhao Lijian china

Doodda Badda koonfureed ee Shiinaha, waa mid soo taagneyd muddo sanado ah.

Shiinaha ayaa ku andacoonaya lahaanshaha goobta ay ku taallo baddaas, wuxuuna hadda ka wadaa dhismo Jaziirad, oo uu ka hirgalinayo halkaas.

Haddii arrinta ay ahaan laheyd mid ku kooban Shiinaha, wax dood ah kama jiri laheyn, laakiin dalalka u dhaw goobta ay ku taallo baddan, ayaa dhammaantood sheeganaya inay qeyb ku leeyihiin dhulkan badda koonfurta Shiinaha la yiraahdo.

Haddaba, Mareykanka iyo reer Galbeedka, gaar ahaan isbaheysiga NATO, ayaa si isdaba joog ah ugu celceliyey iney dareen weyn ka qabaan mashruuca laga wado badda koonfureed ee Shiinaha.

Khubarada ayaa rumeysan in khilaafka ka taagan koonfurta badda Shiinaha, uu ka weyn yahay dagaalka ka dhex taagan dalal dhawra.

Fara-galinta Shiinaha ee baddaas, waxay sidoo kale calaamad u tahay isbadallada cusub ee ku dhacay khariidadda dunida, taas oo noqon karta mustaqbalka dagaal wayn oo dhex mara quwadaha waa weyn.

Maxey Shiinaha muhiim ugu tahay Badda koonfureed? Muxuu se Shiinaha u doonayaa inuu maamulo baddaas, wax walibana ay ugu kacdo?

Sannadkii 2018-kii, markii diyaarad ciidan oo Mareykanka leeyahay ay ku dagtey meel u dhaw badda koonfureed ee Shiinaha, ciidanka militariga Shiinaha ayaa uga digay inay halkaasi ku soo noqoto diyaaraddaas.

Badda Koofureed ee Shiinaha waxaa ku yaalla jaziirado yaryar oo gaaraya illaa 250, iyo sidoo kale kuwa kale oo waa weyn. Intooda badan lama dagana.

Jaziiradahan qaarkood waxaa illaa iyo xad hafiya mawjado biya ah, muddo bilooyiin ah, halka kuwa kale ay gabi ahaanba qaadaan biyo.

Jaziiradahaas waxay ku yaallaan inta u dhaxeysa badaha Hindiya iyo Pacific-ga, waxaana ku hareereysan dalalka kala ah Shiinaha, Taiwan, Vietnam, Malaysia, Indonesia, Brunei iyo Filibiin.

Marka laga reebo Indonesia, dhammaan dalalka kale waxey sheegteen qeybo ka mid ah jaziiradahaas iney iyagu leeyihiin.

Fang Jung, oo ah khabiir ku taqasusay xiriirka caalamiga ee Shiinaha, kana tirsan jaamacadda qaranka ee Australia, ayaa sheegay in Shiinaha uu ku andacoonayo in inka badan 2,000 oo sano kahor, ay kaluumeysato iyo bad mareeno heleen jaziiradahan, iyagoo u bixiyey magacan, waxeyna bilaabeen inay ka shaqeeyaan.

Badda koonfureed ee Shiinaha

Shiinaha ayaa sheegay in dalalka qaar ay bilaabeen inay muujiyaan daneynta badda koonfureed ka dib markii ay halkaasi ka bilaabeen inay ka baaraan shidaal.

Dr Fang Jung, ayaa ku doodaya in Shiinaha sheegashadiisa u muuqato iney tahay mid run ah illaa iyo xad, sababtoo ah, wuxuun odhanayaa ‘ma jirin cid dood ka qabtay ama ka soo horjeesatay sheegashada baddani ee Shiinaha, wixii ka horreeyey sannadkii 1970-kii’.

Wuxuu intaa ku daray in taariikh ahaan waxyaabaha Shiinaha uu ku doodayo ay ka mid tahay in uu soo sheeganayey lahaanshaha goobahaas, halka wadamada kale aaneyba jirin sheegashadooda.

Maanta, waxey u eg tahay inay dib u sheeganayaan dal ka lumay dalalka kale ee aan Shiinaha aheyn. Dowladda Shiinaha, ayaa u leh muhiim gaar ah hannaanka dhismaha casriyeysan ee qarankeeda.

Sidaa daraadeed, goobtan badda ah waxey muhiimad u leedahay Shiinaha xilligan; maxaa yeelay, waxey taariikhiyan sheegan jireen inay iyagu leeyihiin, ama waxaa jira dano dhaqaale oo cad oo sheegashadan ka danbeysa?

Professor Clive Schofield, oo ah madaxii hore ee xarunta qaranka Australia ee ammaanka iyo kheyraadka badda, ayaa sheegay in Shiinaha iyo dalalka kaleba ay bilaabeen inay xaqiiq sadaan in baddaas ay dhaqaale ahaan iyo deegaan ahaanba ay muhiim tahay.

Wuxuu Clive intaa ku daray in daneynta goobtaas ay dalal badan kusii xoogeysatay, xilliyadan dambe, sababtoo ah, waxey aaminsan yihiin in baddaas ay ku jiraan kaydad shidaal.

Ma jirto cid xog cad ka heysa inta uu la’eg yahay keydka shidaal ee ku jira baddaas Inkastoo Professor Clive, uu sheegayo in ay jirto in baddaas ay ku jiraan kheyraad kala duwan, taas oo muhiim u ah Shiinaha.

Waxaa baddaas ku jira soddon kun oo nooc oo kalluun ah. Marka la eego wax soo saarka kalluunka, waxaa baddaas laga soo saari karaa 15% wax soo saarka dunida ee kalluunka, shaqadanina waxaa laga qaban karaa badda koonfureed ee Shiinaha.

Wuxuu intaa raaciyey Professo Clive in tartanka loogu jiro kheyraadka badda koonfureed ee Shiinaha uu yahay mid aad u sarreeya, macquulna maahan in baddaas ay noqoto goob colaad ay ku dhex marto dalal kala duwan, sidaa darteedna aaney cidna ka faa’iideysan kheyraadka dhex ceegaaga.

Arrin layaab leh ayaa ka dhacday goobta lagu magacaabo Scarborough Shoal, sannadkii 2012-kii, markii Shiinaha uu ka mamnuucay kalluumeysato u dhalatay Filibiin inay ka kalluumeystaan baddaas.

Murankii ayaa cirka isku shareeray, iyadoo markii danbe dowladda Filibiin ay dacwad geysay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda.

Waxaa si gaar ah loogu abuurey maxkamad hoos tagta Qaramada Midoobay, ee qeybta sharciyada badaha, si arrintan loo xaliyo.

Maxkamadda ayaa u xukuntey goobtii la isku heystay dalka Filibiin. Waxayna sheegtay in Shiinaha uusan taariikhiyan wax sharci ah, oo uu ku dooddo aanu ka keenin, taas oo la xiriirta sheegashadiisa kheyraadka badda ee ku dhex jira halkaas.

Professor Clive, ayaa ku doodaya in jawaabtii Shiinaha ee arritaas ay ahayd mid kale, Iyadoo ay ka jawaaayeen xukunkii maxkamadda.

Shiinaha ayaa sheegay in go’aanka uu yahay oo kaliya mid lagu qoray warqad, taas oo ay tahay in la iska tuuro, iyo in muranka baddan lagu xaliyo wada hadal dhex mara labadda dal.

Professor Clive, ayaa carabka ku dhuftay in Shiinaha aanu ka soo qeyb galin xiligii Maxkamadda la qaadayey, isagoo ku gacan seyray inuu aqbalo go’aanka ay gaartey maxkamaddaas.

Iyadoo farqigan u dhaxeeya dalalka ku yaalla goobaha u dhaw badda koonfurta Shiinaha, haddana waxaa sii kordhaya aragtida adag ee Shiinaha iyo macquulnimada in xiisado ka dhacaan halkaas.

Laakiin ma ahan xiisadaha u dhaxeeya dalalka isku heysto badda koonfureed ee Shiinaha, inay uun ku eg tahay xuquuqda kaluumeysiga ama kheyraadka kalaba.

Badda koonfureed ee Shiinaha, waxay sidoo kale ka mid tahay marinada badeed ee ugu mashquulka badan dunida.

Sida lagu xusay baaritaan uu soo saarey shirka horumarinta iyo ganacsiga ee Qaramada Midoobay, 80% ganacsiga dunida ayaa laga sameeya badaha, saddex meelood laba meeloodna, waxey maraan marin badeedka badda koonfureed ee Shiinaha.

Mareykanka ayaa sidoo kale isna daneynaya baddaas, isagoo doonaya in aanan dalna yeelan baddaas. Waxaa halkaas mara maraakiibta Mareykanka ee caadiga ah, iyo sidoo kale maraakiibta dagaalka ee Mareykanka.

Marinkan ayuu Mareykanka u arkaan goob xor ah, oo qolo waliba mari karto, halka Shiinaha u arko in marinkan uu yahay mid qaar ah.

Mike Pompeo, ayaa sidoo kale u caddeeyey dhigiisa Shiinaha, intii uu ahaa xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, wuxuuna u sheegay in baddaas koonfureed ee Shiinaha aanay aheyn boqortooyada badda ee Shiinaha.

Xoghayihii hore, ayaa tilmaamay inay taageerayaan in dalalka dhaca Aasiya ay ku xaliyaan xiisadaan, qaababka waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Balse u hanqal taagista Shiinaha ee baddaas kaliya ma ahan dano dhaqaale.

Peter Jenning, oo ah madaxa machadka daraasaadka siyaasadda ee Australia, ayaa qirey in uu sare u kac weyn ku yimid hawlgalada ciidamada ay ka sameeyaan gobolkaas, taas oo keentay walwalka isa soo taraya ee laga qabo dhaq dhaqaaqayada ciidan ee ay sameynayaan dalalka dariska.

Shiinaha ayaa dhankiisa billaabay in uu mar kale geeyo gantaallo badda koonfureed ee Shiinaha.

Sannadkii 2013-kii, ayuu Shiinaha abuurey hannaanka difaaca gantaaladda ee baddaas oo loo yaqaano (ADIS), Wuxuuna dhigay madaafiicdaas badda bariga ee Shiinaha.

Sidoo kale, wuxuu doonayaa inuu ka abuuro wado weyn oo marta badda koonfureed ee Shiinaha, si ay u noqoto aag aan la dhaafi karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here