Muxuu yahay ururka EAC ee ay Soomaaliya doonayso ku biiriddiisa?

uhuru kenyatte iyo museveni

Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay Kenya inay gacan ka siiso ku biiridda Ururka Goboleedka Bariga Afrika (EAC), arrintaas oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhiggiisa Uhuru Kenyatta oo ay todobaadkii hore ku kulmeen Muqdisho.

Sida ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya u xaqiijiyeen BBC, Muqdisho ayaa doonaysa in xubinnimada EAC ay uga faa’iideysato xoojinta baayac-mushtarka dalka, si ganacsatada Soomaalida ah ay uga shaqeystaan dalalkaas.

Dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa kala ah: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Ganacsatada Soomaalida ah ayaa hanti muuqata ku leh dalalkaas marka laga reebo Burundi.

Muxuu yahay ururka EAC?

Waa urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee Tanzania, kaasoo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah lixda dal ee uu hadda ka kooban yahay. South Sudan ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ururkan ku biirtay bishii April ee sanadka.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigeega xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, ilaa iyo haatanna ma jirto jawaab laga siiyay arrinkaas.

Kenya ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan ururka, waxaana taageeradeeda ay muhiim u tahay damaca Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC.

Uhuru Kenyatta
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Kenya oo ka hadlaya xafladdii caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh

Iskaashiga dalalka xubnaha ka ah

Waddamada xubnaha ka ah EAC ayaa waxa ay iska kaashadaan dhinacyo khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga. Dalalka ayaa ku haminaya inay sameeyaan is dhexgal buuxa oo dhinacyo badan.

Dalalka ayaa sanadkii 2005 ku heshiiyay kastam midaysan oo ay alaabaha iyo dadka si xor ah uga kala gooshi karaan waddamada. Shuruudda ku xiran alaabahaas ayaa ah inay ka yimaadaan gudaha waddamada xubnaha ka ah EAC.

Si loo xoojiyo dhaqaalaha waddamada iyo horumarkooda, ururka EAC ayaa sameeyay suuq gaar ah oo shaqeynayay tan iyo 2010. Waddamada ayaa sidoo kale ku haminaya in sanadka 2023 ay samaystaan lacag u gaar ah.

Yoolka ugu weyn ee laga leeyahay urur goboleedka EAC ayaa ah in dalalka xubnaha ka ah ay yeeshaan dowlad ay ku midaysan yihiin.

Midnimada dowladeed ee uu doonayo ururka ayaa waxaa bud-dhig u noqon doona in siyaasad midaysan ay dalalku ka yeeshaan arrimaha ammaanka, gaashaandhigga iyo xiriirka dibedda. Lama sheegin xilliga la gaari doono yoolkaas.

Soomaaliya iyo Congo

Inkastoo Soomaaliya ay codsigeeda ku aaddan xubinnimada EAC dirtay 2018, haddana waxaa laga hor aqbalay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo oo hannaankaas bilowday 2019.

Khubarada ayaa sheegaya in amni darrada ka taagan Soomaaliya ay tahay sababta ugu weyn ee EAC ay uga cago-jiidayso inay aqbasho codsiga xukuumadda Muqdisho.

“Ku biiridda ururkan waxa ay shacabka Congo ka caawinaysaa dhinacyada ganacsiga, ammaanka iyo nabadda,” ayuu yiri Madaxweynaha Congo, Felix Tshisekedi, oo ka hadlayay munaasabadda lagu soo dhaweynayay dallkaasi.

Kadib markii ay Congo ku biirtay EAC, ayaa waxa ay tirada muwaadiniinta hoos taga ururkaas ay gaartay 300 oo milyan oo qof, halka dhaqaalaha waddamadana wadar ahaan lagu qiyaasay 250 milyan oo dollar.

Congo ayaa waxa ay leedahay kheyraad u badan macdan, sida dahabka, deemanka, naxaas iyo kuwo kale, hase yeeshee bariga dalkaas ayaa waxaa hareeyay colaaddo ka dhashay kheyraadkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here